AUSSOM oo Soo Dhaweeyay Doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Share this Post

Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhaweeyay qabsoomidda doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo muujinaysa horumar la taaban karo oo ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada dimuqraadiyadda, amniga iyo dowlad-dhiska.

War kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in doorashooyinka ka dhacay Muqdisho ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay muddo tobanaan sano ah oo ay shacabka caasimaddu si toos ah ugu codeeyaan hoggaankooda deegaan, arrintaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka dadweynaha iyo mas’uuliyadda muwaadiniinta.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in hab-dhaqanka nabadeed ee doorashada, ka-qaybgalka ballaaran ee shacabka iyo nidaamka loo maray ay muujinayaan adkaysiga iyo go’aanka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, AUSSOM ayaa xustay in doorashooyinka ay u dhaceen si degan oo nidaamsan, taasoo muujinaysa horumar laga sameeyay sugidda amniga iyo kalsoonida dadweynaha ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.

Danjire Diene ayaa ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga, isagoo ku bogaadiyay wada-shaqeynta iyo xirfadda ay muujiyeen, taas oo suuragelisay in jawi amni oo deggan lagu qabto doorashada.

Ugu dambayn, AUSSOM ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalida ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska, iyadoo la kaashaneysa beesha caalamka


Share this Post