Ruushka oo Maraykanka uga digay inuu faragelin militari ku sameeyo Dagaalka Iraan iyo Israa’iil.
Dowladda Ruushka ayaa digniin culus u dirtay dowladda Maraykanka, iyadoo uga digtay in ay qaado tallaabo militari oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, xilli laga cabsi qabo in Washington si toos ah ugu biirto dagaalka Israa’iil kula jirto Tehran.
Tan iyo weerarkii lama filaanka ahaa ee Israa’iil ku qaadey Iraan toddobaadkii hore waxaa dhacayey duqeymo is-daba joog ah oo labada dhinac isweydaarsadeen, taasoo sare u qaaday khatarta dagaal ballaaran oo gobolka Bariga Dhexe gilgila.
Ruushka, oo xiriir dhaqaale iyo ciidan la leh Iraan, ayaa dhowaan saxiixay heshiis muhiim ah oo labada dal ka dhigaya xulafo istiraatiiji ah. Si kastaba, Kremlin-ka ilaa hadda ma uusan siin Tehran, taageero militari oo muuqata si Iraan uga hortagto weerarrada gardarada, ah ee uga yimid Israa’iil, iyadoo Madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo inuu noqdo dhexdhexaadiye.
“Waxaan si gaar ah ugu digeynaa Washington in aysan hab militari ah uga qaybgelin xaaladda hadda taagan, maadaama ay taasi sababi karto dhibaatooyin aan la saadaalin karin,” ayay tiri Maria Zakharova, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.
Hadalkaasi wuxuu yimid iyadoo madaxweyne Donald Trump uu dhawaan sheegay inuu tixgelinayo inuu dalkiisu si buuxda ula safro Israa’iil, isagoo yiri: “Waa laga yabaa inaan sameeyo, waana laga yabaa inaan sameyn.”
Trump wuxuu sidoo kale si cad u diiday codsi dhexdhexaadin ah oo uga yimid Madaxweyne Putin, wuxuuna u sheegay in haddii uu doonayo inuu xal keeno, uu marka hore joojiyo dagaalka Ukraine.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa arrintaas ka jawaabay isagoo yiri: “Go’aanka lagu aqbalo dhexdhexaadinta ma aha mid u yaalla Trump, ee waxa iska leh dhinacyada sida tooska ah u dagaalamaya”
Dhinaca kale madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah ugu cambaareeyey ficillada militari ee Israa’iil, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka lana maro waddo siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed.
Putin iyo Xi waxay isku raaceen in nabadda lagu raadiyo xal siyaasadeed, iyagoo ka digay in dagaalku fidi karo haddii la sii huriyo.
Inkasta oo xiriir dhow oo dhanka militariga ah uu ka dhaxeeyo Iraan iyo Ruushka, hadana Putin wuxuu xaqiijiyay in Iraan aysan weli weydiisan wax gargaar ciidan ah, isagoo sheegey in heshiiska ay kala saxiixdeen uusan ahayn mid difaac wadajir ah oo ku qasbaya midba midka kale in uu siiyo taageero militari.
Markii la weydiiyay sida Ruushku uga falcelin doono haddii la beegsado hogaamiyaha sare ee Iraan, Ayatollah Khamenei, Putin wuxuu si kooban uga jawaabay: “Xitaa ma rabo inaan ka fikiro arrintaas.”
Afhayeenka Kremlin-ka ayaa haddana xusay in haddii Tehran dalbato gargaar bani’aadamnimo, Moscow diyaar u tahay in ay taageero noocaas ah dirto.
Dhanka kale madaxa waynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegey intii lagu guda jirey wada hadalka khadka telefoonka ee uu la yeeshay Putin, in xabbad-joojin deg deg ah ay tahay midda ugu horreysa ee mudnaanta leh, sida ay daabacday wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.
Xi wuxuu hoosta ka xarriiqay in “dhinacyada dagaalka, gaar ahaan Israa’iil, ay tahay inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda si looga fogaado inuu dagaalku faafo.”
Isbuucii la soo dhaafay, Madaxweyne Putin wuxuu khadka taleefanka kula xiriiray madaxda Israa’iil iyo Iraan — Benjamin Netanyahu iyo Masoud Pezeshkian — isagoo ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay in uu noqdo dhexdhexaadiye.
Moscow waxay sheegtay in Xi Jinping uu taageeray hindisahaas, isagoo u arka mid wax ku ool ah haddii si dhab ah loo qaato.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump iyo kan Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa dhaleeceeyay isku dayga Putin ee dhexdhexaadinta, iyagoo ku tilmaamay “mid aan waqtigiisu munaasib ahayn hadda” maadaama uu Putin weli wado dagaalka Ukraine.