Maxey yihiin Dagaallada Ka Socda bariga Dalka DR Congo?

Share this Post

(Puntland Online) Gobolaada Bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) oo hodan ku ah macdanta dabiiciga ah ayaa muddo ka badan 30 sano ku jiray xaalad colaadeed, gaar ahaan tan iyo markii uu qarxey dagaalkii sokeeye ee Rwanda sanadkii 1994.

Kooxo kala duwa oo badankood hubeysan yihiin ayaa ku herdamaya awoodda iyo maamulidda kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dalwaynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo taas oo sababtay in waddamada deriska ah ay si toos ah colaadaan ugu lug yeeshaan.

Maxaa Ka Socda Magaalada Goma?

Wararka kasoo baxaya  bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegaya in kooxda fallaagada M23, oo la sheego in ay tageero kahelaan dawlada Rwanda, ay qabsadeen magaalada istaraatiijiga ah ee Goma iyagoo aan lakulmin wax iska caabin xoogan ah. 

Magaaladan oo ah mid hodan ku ah macdanta dabiiciga ah, ayaa taallaa xuduudda Congo la wadaagto Rwanda gaar ahaan gobolka Kivu, waana xarun ganacsi oo ay ku hareereysan yihiin goobaha laga soo saaro macdanta sida dahabka, birta tin-ka, iyo coltan-ka oo ah macdan qaali ah oo loo isticmaalo taleefannada gacanta iyo baytariyada gawaarida korontada ku shaqeeya.

Warbixin ay soo saartay Waaxda Ganacsiga ee Maraykanka sanadkii hore ayaa lagu sheegay in kaydka macdanta ee DR Congo uu gaarayo in ka badan $24 trillion. Congo ayaa noqotay soo saaraha ugu weyn ee macdanta loo yaqaan koboltka, oo ah macdan muhiim ah oo loo isticmaalo samaynta baytariyada.

Istiraatiijiyadda Qabsashada Goma

Dagaalyahanada M23 waxay u muuqdaan inay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Goma oo ah magaalo istaraatiiji ah  oo ku taalla bariga dalka Congo, laguna qiyaaso inay ku nool yihiin 2 milyan oo qof. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay inay qorsheynayaan inay ku fidaan oo qabsadaan dhul ballaaran.

Maxey yihiin falaagada M23?

Kooxda M23, oo magaceeda si buuxda loo yiraahdo March 23 Movement  ayaa ka soo ifbaxday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) sanadkii 2012. Magaca M23 wuxuu ka yimid heshiiskii Maarso 23, 2009, kaas oo dhexmaray dowladda DRC iyo koox fallaago aheyd  oo lagumagacaabi jirey CNDP (National Congress for the Defense of the People). 

Heshiiskaas waxaa lagu heshiiyay in dagaalyahanada CNDP lagu daro ciidamada qaranka ee Congo (FARDC), lana siiyo xuquuq siyaasadeed, sida xilal iyo matalaad siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, fallaagada M23 waxay ku doodayaan in dowladda aysan fulin ballanqaadyadii heshiiskaas, taasina waxay sababtay in dagaalyahanno ka tirsan CNDP ay aasaasaan kooxda falaagada M23

Kadib markii kooxdu ay la baxday magaca M23 sanadkii 2012, waxay bilowday howlgalladii militari ee ugu horreeyey isla sannadkaas. Bishii November 2012, kooxdaan waxay qaaday weerarkoodii ugu waynaa, iyagoo qabsaday magaalada istiraatiijiga ah ee Goma, oo ah xarunta gobolka waqooyiga Kivu. Qabsashada Goma waxay u ahayd guul weyn , taas oo u suurta gelisay kooxda inay si weyn uga soo muuqdaan dalka Congo.

Si kastaba ha ahaatee, qabsashada Goma waxay dhalisay cambaareyn caalami ah, waxaana la kordhiyay taageeradii ay ciidamada dowladda Congo ka helayeen hawlgallada Qaramada Midoobay (MONUSCO). Bishii Diseembar 2012,  ayaa M23 xoog looga saarey  magaalada Goma. Kadib marki laga adkaadey dagaalyahanada ayaa ogolaadey in lagu dhex daro oo ay qeyb ka noqdaan ciidanka dowladda. Hase yeeshee, sanadkii 2021, ayey hubka dib u qaateen, iyagoo sheegay in dawladu aysan fulin balamihii ay ka qaadey.

Rwanda Ma Ku Lug Leedahay Colaadda?

Rwanda oo ah wadan deris la, ah Congo waxaa si joogto ah loogu eedeyaa inay ku lug leedahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), gaar ahaan taageeridda kooxda M23. Dowladda DRC iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, ayaa ku eedeeyay Rwanda inay hub, dhaqaale, iyo tababar siiso kooxda M23.

Dhinaca kale dawlada Rwanda, ayaa marar badan beenisay eedaymahan, iyadoo sheegtey  in aysan taageerin wax fallaago ah oo ka dagaallanta gudaha DRC. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2012, madax ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Rwanda ku eedeynayay inay siiso hub, taageero farsamo, iyo xitaa inay si toos ah u maamusho kooxda. Dowladda DR Congo, Mareykanka, iyo Faransiiska ayaa sidoo kale Rwanda ku eedeyay inay taageerto kooxda. Warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay sanadkii hore ayaa lagu sheegay in ilaa 4,000 oo askari oo Rwandandeys ah ay dagaalka kala qeyb qaateen kooxda M23.

Rwanda, ayaa bayaan ay soosaartey 27 janaayo 2025 ku sheegtey in dagaallada ka socda xuduudaheeda ay khatar ku yihiin “amnigeeda iyo jiritaankeeda.” Waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda Congo inay wada shaqeyn la leedahay kooxaha kasoo horjeeda Rwanda, gaar ahaan kooxda lagu magacaabo FDLR.

Xiriirka U Dhaxeeya Rwanda iyo DR Congo

Colaadda hadda ka jirta DR Congo ayaa salka ku heysa xasuuqii Rwanda ee dhacey 1994. Xasuuqaas waxaa lagu dilay in ka badan 800,000 oo qof, oo badankood kasoo jeeday qowmiyadda Tutsiga.

Kadib marki uu soo dhamaadey dagaalkii sokeeye ee Rwanda, qiyaastii hal milyan oo qof oo qowmiyada Hutuga ah ayaa u cararay gudaha DR Congo si ay uga bad baadaan aargoosi. Arrintaas waxay dhalisey xiisado qowmiyadeed oo ka dhex qarxey Hutu-ga iyo Tutsi-ga ku nool bariga DR Congo.

Rwanda ayaa laba jeer qabsatay gobolada dhaca bariga DR Congo, iyadoo ku andacoonaysay inay kudaba jirrto kuwii ka dambeeyay xasuuqii Rwanda. Waxeyna  iskaashi la sameeysatey  qowmiyadda Banyamulenge iyo kooxo kale oo hubeysan.

Qaramada Midoobay iyo Howlgalka Nabad Ilaalinta ee DR Congo

Qaramada Midoobay waxay tan iyo 1999 ku leedahay howlgal nabad ilaalin bariga DR Congo, kaas oo hadda loo yaqaan Monusco. Howlgalkaan ayaa kakooban 10,000 oo askari, iyadoo u jeedada ugu wayn ee hawlgalku ay tahay ka hortagga kooxaha hubeysan sida M23.

Sanadkii 2013, Monusco waxay door muhiim ah ka qaadatay jebinta kooxda M23, hase yeeshee hadda waxay u muuqataa iney ku fashilan tay kahortagga kooxda, kadib markii kooxdu si fudud gudaha ugu gashey magaalada Goma. Dhinaca kale shacabka Congo ayaa aad u dhaleeceya Monusco sababo la xiriira iney ka gaabisey waajibaadkeeda.

Madaxweynaha DR Congo, Félix Tshisekedi, ayaa sannadkii hore ku baaqay in howlgalka la soo gabagabeeyo, laakiin taasi ma dhicin oo dib ayaa loo dhigay, waxaana howlgalka loo kordhiyay sannad dheeraad ah.

Gunaanad

Dagaalka ka socda bariga DR Congo wuxuu sababay dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan barakac ballaaran, dhimasho, iyo burbur dhaqaale. 


Share this Post