HomeNewsSomaliaWorld

Xisbullah oo Ku Dhawaaqday in ay Guul ka Gaareen Wajiga Koowaad ee Weerar Ka Dhan Ah Israa’iil

August 25-2024
 
Ururka Xisbullah ee ka dhisan dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay inay si guul ah ku dhammeeyeen wajiga koowaad ee weerar ay uga jawaabayaan dilkii taliyihii ugu sarreeyay dhinaca militariga ee Fu’aad Shukr. Fu’aad Shukr ayaa bishii hore lagu dilay weerar duqeyn ah oo Israa’iil ka fulisay magaalada Beyruut. Weerarka Xisbullah ayaa bilaabmay saakay waaberigii, saacaddu markay ahayd 4:30 subaxnimo, iyagoo bartilmaameedsaday xarumo ku yaalla Israa’iil.
 
Xisbullah oo Isticmaashey Gantaallo Iyo Diyaaradaha aan Dulliyaha Laheyn
 
Intii uu weerarka socday, Xisbullah ayaa adeegsatay 320 oo gantaallada Katyusha ah iyo boqollaal diyaaradood oo aan la magacaabin. Weerarka ayaa lagu qaaday 11 saldhig iyo xarumo militari oo ay inta badan aay yaallaan gantaallada iyo hubka kale ee Israa’iil, kuwaas oo ku yaalla dhulka ay Israa’iil xooga ku haysato ee waqooyiga, xadka Lubnaan. Xisbullah ayaa sheegay inay dib ka soo bandhigi doonaan faahfaahinta weerarka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahiyeen. Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in weerarkan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo Xisbullah ay ku doonayso inay ku muujiso awooddeeda iyo inay ka jawaabto dilka Fu’aad Shukr.
 
Guul-darro Sirdoon Miyey La kulantey Xisbullah?
 
Ka hor inta aysan Xisbullah weerarka qaadin, waxay la kulmeen fashil dhanka sirdoonka ah oo sababi gaarey guul-darro. Xisbullah ayaa qorsheysay inay weerarka ku qaadaan Israa’iil 5 subaxnimo, balse waxaa ka hor istaagay weerar weyn oo uga yimid dhinaca Israa’iil oo iskaashi iyo taageero sirdoon ka heleysay Mareykanka. Israa’iil iyo Mareykanka ayaa sida ay shegeen helay xog sirdoon oo sax ah, kadibna waxay kiciyeen 100 diyaaradood oo garaacay saldhigyada  Xisbullah ee koonfurta Lubnaan. Weerarkaas ayaa ka hor istaagay Xisbullah inay si buuxda u hirgeliso qorshayaasheeda.
 
Israa’iil Miyey Kahor Tagtey Weerarka Xisbullah?
 
Saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay inay heleen xog sirdoon oo ay ku xaqiijiyeen diyaar garowga Xisbullah 24 saacadood ka hor waqtiga la qorsheeyay weerarka. Kadib markii ay xogtaan heleen, waxay duqeyn ballaaran ku qaadeen ilaa 40 goobood oo gudaha Lubnaan ku yaalla, kuwaas oo loo maleynayay inay yihiin saldhigyada ugu muhiimsan Xisbullah. Weerarkan ayaa lagu beegsaday goobaha ay Xisbullah ku diyaariyeen gantaallada riddada dheer oo ay doonayeen inay ku weeraraan magaalooyinka waaweyn ee Israa’iil sida Tel Aviv. Dhanka kale, Israa’iil waxay sheegtay inay qorsheynayaan inay sii wadaan hawlgallada militeri ilaa ay ka gaadhaan natiijooyin ka wanaagsan oo ay ku xaqiijinayaan amniga muwaadiniintooda.
 
Khasaare Dagaalka Iyo Xaalada Degdeg Ah Ee Isra’iil
 
Intii uu socday dagaalka, Israa’iil waxay sheegtay  dhimashada hal askari iyo dhaawaca hal qof oo dumar ah taas oo ah khasaaraha ka dhashey weerarka Xisbullah . Si kastaba ha ahaatee, ma jiro warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac. Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo socon doonta 48 saacadood ee socota, si loo xaqiijiyo amniga gudaha Israa’iil. Xaaladdan degdeg ah ayaa la xiriirta sidii loo hubin lahaa in laga hortago weeraro kale oo laga filan karo ururka Xisbullah. Dhanka kale, Mareykanka ayaa muujiyay taageeradiisa joogtada ah ee Israa’iil, isagoo sheegay inuu Israa’iil ku taageerayo xaqa ay u leedahay inay isdifaacdo.
 
Garoonka Diyaaradaha Tel Aviv oo La Hakiyay muddo kooban
 
Garoonka diyaaradaha Tel Aviv ee Ben Gurion ayaa hakiyay duulimaadyadii muddo kooban, kadib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday weerarka Xisbullah. Garoonka ayaa dib u bilaabay shaqadiisii caadiga ahayd saacaddu markay ahayd 7 subaxnimo, iyada oo la xaqiijiyay amniga iyo nabadgelyada rakaabka.
 
Gunaanad
 
Xiisadda u dhaxaysa Xisbullah iyo Israa’iil ayaa u muuqata mid kasii dareysa maalinba maalinta xigta, iyadoo weerarkan uu muujinayo heerka sare u kaca xiisada labada dhinac taas oo laga cabsi qabo in ay isu rogto dagaalwayne ka qarxa bariga dhexe. Iyadoo la filayo in xaaladdu ay kasii dari karto haddii aan xal degdeg ah laga gaarin, iyada oo inta badan wadamada caalamku ay ku baaqayaan in xiisadda la dejiyo iyo in la helo xalka nabadeed ee labada dhinac. Natiijooyinka ka soo baxa xaaladaani ayaa saameyn ku yeelan doona gobolka oo dhan,
Spread the love