Ciidamo Ka Madax banaan Dawlada Puntland Oo Looga Dhawaaqey Gobolka Bari
Ciidamo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo dhowaan tababar loogu soo xirey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kana soo dagaalamay Buuraha Calmiskaad ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay ka baxeen dawlada, iyagoo xusey in ay la kulmeen dhibaatooyin culus oo la xiriira maamulka Hawlgalka Hillaac, gaar ahaan dhinaca saadka iyo daryeelka askarta, kuwaas oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq iyo eex. Ciidamadu waxay sidoo kale shaaciyeen in ay si madax banaan u howlgeli donaan.
Ciidamadu waxay ugu horreyn bogaadiyeen shacabka reer Puntland taageerada ay u muujiyeen ciidamada ku jira furimaha dagaalka. Waxay sheegeen in taageeradaasi ay tahay tiir muhiim u ah adkeysiga ciidanka iyo sii socoshada hawlgallada amni.
“Waxaan bogaadin iyo hambalyo u diraynaa shacabka qiimaha badan ee Puntland taageerada ay u muujiyeen ciidamadooda geesiyaasha ah ee u taagan difaaca sharaftooda iyo dhiiggooda,” ayay ku yiraahdeen war saxafadeed ay soo saareen.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay ka mid ahaayeen cutubyadii ka dagaalamay Buuraha Calmiskaad, isla markaana door muuqda ka qaatay Hawlgalka Hillaac ee lagu sifeynayay argagixisada Daacish. Ciidanku waxay hawlgalka ku tilmaameen mid ay askartu u galeen naf-hurnimo iyo difaaca shacabka Puntland.
Ciidamadu waxay sheegeen in muddadii hawlgalka ay la kulmeen duruufo adag oo si toos ah u saameeyay fulinta waajibaadkooda.
Ciidamada ayaa sidoo kale warsaxaafadeedka ay soo saareen ku yiri “Annaga oo ka mid ah ciidamadii ka dagaalamay Calmiskaad, waxaan ummadda reer Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanku la kulmeen duruufo adag oo halis ku noqday hawlgalka.
Waxay tilmaameen in dhibaatooyinka ugu waaweyn ay ka dhasheen maamulka saadka, iyaga oo ku eedeeyey musuq, eex, iyo ku takrifal awoodeed. Sida ay sheegeen, arrimahaasi waxay si weyn u saameeyeen sahayda, xuquuqda, iyo daryeelka askarta.
“Maamulka saadka ee Hawlgalka Calmiskaad wuxuu ku kacay musuqmaasuq iyo eex, taas oo keentay khasaare laga baaqsan karayey,” ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay.
Ciidamadu waxay intaas ku dareen in tabashooyinkii ay gudbiyeen aan wax jawaab ah laga bixin, taas oo ku qasabtay in ay qaataan go’aan ay si madax bannaan ugu hawlgalayaan. “Markaanu aragnay inaan wax xal ah la helin, waxaannu go’aansannay inaanu u hawlgalno si madax bannaan,” ayay ku yiraahdeen warsa-xaafadeedka.
Waxay caddeeyeen in ay ku shaqeynayaan magaca Ciidanka Difaaca Bulshada Calmiskaad, oo ah ciidan deegaan oo loo dhisay difaaca Puntland, gaar ahaan bulshada deegaannada Calmiskaad, iyo la dagaallanka argagixisada Daacish.
Ugu dambayn, ciidamadu waxay baaq u direen shacabka reer Puntland, gudaha iyo dibadda, beesha caalamka, iyo dawladaha taageera Hawlgalka Hillaac. Waxay sheegeen in taageerada joogtada ah ee ciidanka Calmiskaad ay muhiim u tahay xaqiijinta amniga iyo yoolka dawladnimada Soomaaliyeed.

