Xubno Katirsan Daacish oo Isku soo dhiibey Ciidamada Puntland

Share this Post

Bosaaso Bari Puntland– maleeshiyaad ka tirsan ururka argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad,gaar, ahaan togga Miraale ee gobolka Bari ayaa bilaabay inay si tartiib tartiib ah isugu soo dhiibaan ciidamada difaaca Puntland, kaddib markii lagu sameeyay duqeyn iyo go’doomin ciidan oo dhinac kasta ah.

Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxdaas, kuwaasoo ay ku jiraan laba ajaanib ah iyo hal Soomaali ah, ayaa isa soo dhiibay kadib markii ay ku go’doomeen deegaanka, waxaana la sheegay in ay gacanta u galeen dad reer miyi ah oo ku sugnaa miyiga degaanka Buruc kuwaas, oo si toos ah ugu wareejiyay ciidanka Puntland.

Wararka laga helayo ilo-wareedyo amni ayaa tilmaamaya in saddexdan xubnood ay ka tirsanaayeen firxadka argagixisada Daacish ee ka badbaaday duqeymihii dhawaan Mareykanku ka fuliyey ceelka Miraale. Duqeymahaas ayaa u horseeday kooxda khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo kala firdhasho, iyadoo xubno badan oo ka tirsan kooxda ay ku suganyihiin xaalad sahey la,aaneed iyo jahwareer ciidan.

Mid kamid ah xubnaha is dhiibay ayaa ku waramey in kooxdii uu ka tirsanaa ay noqdeen kuwo kala lumay, qaarna ay ku naf waayeen weerarradii dhulka iyo duqeymaha, halka kuwa kalena ay ku go’doonsan yihiin dhulka buuraleyda ah iyagoo aan heysan sahey iyo marin ay ka baxaan.

Dhinaca kale, ciidamada difaaca Puntland oo sii wada dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan togga Miraale iyo nawaaxigiisa, ayaa sheegay in ay heleen meydad badan oo daadsan halkaasi, kuwaasoo ay kutilmaameen inay yihiin xubno ka tirsanaa kooxda. Sidoo kale, ciidamada ayaa goobtaasi ka helay awr ay kooxdaasi u adeegsan jirtay gaadiidka iyo sahayda, taasoo muujinaysa burburka dhabta ah ee wajaheyso argagixisada Daacish.

Taliska ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, isla markaana ay muhiimad gaar ah siin doonaan xoojinta ammaanka deegaanka iyo sifaynta goobaha ay ku dhuumanayaan kooxaha xagjirka ah


Share this Post