Trump oo ku eedeeyay Zelenskyy inuu carqaladeynayo dadaalada nabadda:

Share this Post

Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump, ayaa qoraal uu ku baahiyey barihiisa bulshada si adag ugu dhaliilay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isagoo ku eedeeyay in hadalladiisu carqalad ku yihiin dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu soo af jaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Trump ayaa hadalkiisa kaga jawaabayey wareysi uu Zelenskyy siiyay wargeyska The Wall Street Journal, kaas oo uu ku sheegay in Ukraine “aysan uga tanaasuli doonin Ruushka gobolka Crimea ”.

Trump wuxuu si cad u sheegay in dhulka Crimea uu mar horeba lumay, iyadoo uu arrintaasi ku eedeeyey xukuumaddii Madaxweyne Barack Obama. Wuxuu tilmaamay in 11 sano kahor, Ruushka uu si buuxda ula wareegay gobolkaas iyadoo aan xitaa hal xabbad la is weydaarsan. Trump wuxuu arrintaas ku tilmaamay mid aan u qalmin hadda in laga hadlo, wuxuu yiri Trump “Crimea waxaa la qabsadey xilligii Obama, xabbadna lagama ridin. Waa meel muddo dheer saldhig u ahayd maraakiibta quusta ee Ruushka.”

“Hadalada Zelenskyy waa kuwo dabka sii hurinaya”

Trump wuxuu si toos ah u eedeeyay Zelenskyy, isagoo tilmaamay in hadalladiisu yihiin kuwo “dabka hurinaya” oo adkeynaya in la gaaro heshiis nabadeed. “Wax uu ku faano maleh. Xaaladda Ukraine waa mid aad u liidata — wuxuu heli karaa nabad, ama ha dagaalamo illaa uu dalkiisa oo dhan luminayo,” ayuu yiri Trump.

“Waxaan doonayaa inaan badbaadiyo kumannaan askari”

Trump ayaa intaa ku daray in uusan xiriir gaar ah la lahayn Ruushka, balse uu rabo inuu badbaadiyo “celcelis ahaan 5,000 oo askari oo Ruush iyo Ukraine ah ” kuwaasoo todobaad kasta u dhimanaya bilaa macne. Wuxuu ka digay in hadalka Zelenskyy uu sii fogeyn karo dagaalka isla markaana uu sii dheereynayo xaaladda colaadeed.

“Heshiis ayaa u dhow, haddii hoggaan dhab ah la helo”

Trump ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo gaaro heshiis. “Hadda waxaan u dhow nahay heshiis, laakiin ninka hadda jooga waa nin aan wax talo ah haynin oo aan waxba beddeli karin. Waa waqtigii la oran lahaa ‘ha lasoo gabagabeeyo’,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Gunaanad

Hadalka Madaxweyne Donald Trump ayaa kusoo beegmaya, kadib markii si lama filaan ah uu u baaqdey shir lagu balansanaa inuu ka dhaco magaalada London, kaas oo lagu waday in lagu falanqeeyo xabbad-joojin suurtagal ah. Baajinta kulanka ayaa timid kadib markii dowladda Ukraine ay si cad u diiday hindise Mareykanka ka yimid, oo ku talinayay in Kyiv uga tanaasusho Ruushka dhowr gobol si heshiis nabadeed loo gaaro


Share this Post