Dhaqaale iyo Tarxiil: Heshiiska Qarsoodiga Ah ee Soomaaliya iyo Sweden
Muqdisho / Stockholm – Warbixin laga sii daayay idaacadda Sweden ee Ekot ayaa sheegaysa in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Sweden ay bishii December 2023 gaareen heshiis qarsoodi ah oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo tarxiilka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden.
Qorshahan ayaa dhigaya in Sweden ay Soomaaliya siiso dhaqaale gaaraya 100 milyan oo lacagta dalkaas ah, lacagta ayaa qayb ahaan loo wareejiyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya halka qaybta kale lamarinayo hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP. Sida xogtu tilmaamayso, 40 milyan ayaa la bixiyay horraantii sanadkan halka 60 milyan la bixiyay xagaagii hore.
Shuruudaha heshiiskan waxaa ka mid ah in dawlada Soomaaliya aqbasho dadka Soomaaliyeed ee laga soo tarxiilayo Sweden. Sanadkii hore oo keliya waxaa dalka dib loogu soo celiyey 28 qof, taas oo ah tiro ka badan tii sanadihii ka horreeyay.
Heshiiskan ayaa khubaradu waxa ay ka muujiyeen walaac, iyagoo ku doodaya in aanu jirin qorshe cad oo lagu ogaanayo waxa uu heshiisku keenayo khasaare ama faa’iido. Waxaa sidoo kale jirta walaac ku saabsan in dhaqaalaha loo wareejiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, loo isticmaali karo arrimo siyaasadeed, iyadoo wali ay Soomaaliya safka hore kaga jirto dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.
Dowladda Sweden ayaa qirtay in gargaarka iyo tarxiilka si ula kac ah la iskugu xiray. Wasiirka gargaarka iyo horumarinta Sweden, Benjamin Dousa, ayaa sheegay in go’aankaas uu ahaa qorshe dowladeed, balse fulinta lagu aaminay hay’addaha iyo safaarada Sweden. UNDP ayaa dhankeeda sheegtay in mashaariicda lagu maamulayo hab daahfuran oo lagula xisaabtami karo.
Heshiiskan ayaa durba saameyn ku yeeshay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Sweden, iyadoo tirada dadka la tarxiilay sanadkii hore ay korodhay. Dad badan ayaa walaac ka muujinaya sida gargaarka loogu xiray siyaasadda iyo waxa ay tani uga dhigan tahay mustaqbalka Soomaaliya.