Saraakiisha Ciidamada Puntland oo Ka Cabanaya Maamulka Gulufka Dagaalka ka Dhanka ah Argagixisada
Garoowe, Puntland – Saraakiisha hogaanka ciidamada Puntland iyo qaybo ka mid ah shacabka ayaa walaac xoogan ka muujiyay qaabka loo maareynayo gulufka dagaalka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maamulka dagaalka, talada sirdoonka, iyo dhaqaalaha loogu talagalay hawlgalada lagu koobay shaqsiyaad aad ugu dhow Madaxweynaha Puntland Siciid Abdullahi Deni.
Sida ay wararku tilmaamayaan, qorshaha dagaalka waxaa si gaar ah gacanta ugu haya agaasime ku xigeenka madaxtooyada, Cabdiraxmaan Cabbaade, oo hore u ahaa ganacsade jifo ahaana ka soo jeeda qoyska madaxweynaha. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid keentay in la iska indho-tiro khibradda iyo talada saraakiisha ciidamada, taas oo niyad-jab ku abuurtay hogaanka ciidamada.
Waxaa intaas dheer, xogaha ayaa iftiiminaya in xaaska Madaxweynaha Marwo Ijaabo ay saameyn weyn ku leedahay dhaqaalaha loo qoondeeyay dagaalka, iyadoo la sheegay in dhowaan ay iibsatay dhul beered weyn oo ku yaalla deegaanka Barookhle ee degmada Carmo, lacagtaasna lagu tuhunsan yahay in ay qayb ka tahay miisaaniyaddii loo qoondeeyey dagaalka.
Taliska sirdoonka Puntland ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in xogaha muhiimka ah lagu koobay shaqsiyaad gaar ah, sida Abdirabi iyo Xasan Deni oo ka mida qoyska Mdaxawaynaha, taas oo meesha ka saartay wada-shaqayntii iyo iskaashigii laga filayay. Arrintan ayaa dhalisay walaac xooggan oo ah in qaabka hadda wax loo wado uu halis gelin karo guusha dagaalka iyo sugidda ammaanka Puntland.
Saraakiisha ciidamada iyo bulshada rayidka ah ayaa rumeysan in sida uu u socdo maamulka gulufka dagaalku uu ka fog yahay hufnaan iyo daah-furnaan. Waxaa la isku raacsan yahay in haddii arrintan si degdeg ah wax looga qaban waayo, ay sababi karto in lagu guul dareysto gulufka dagaalka taas oo faa’iido wayn u noqon doonta kooxaha argagixisada.
Saraakiil ka tirsan ciidanka oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa ku baaqay in maamulka dagaalka dib loo eego, talada laga qeybgeliyo ciidamada iyo shacabka, si loo xaqiijiyo in dhaqaalaha iyo qorshaha dagaalka, guulna looga gaaro ujeeddada guud ee la dagaalanka argagixisada.
Illaa iyo hadda, madaxtooyada Puntland kama aysan jawaabin eedeymahan, hase yeeshee, shacabka iyo saraakiishu waxay filayaan in tallaabo degdeg ah la qaado si loo badbaadiyo qorshaha dagaalka loona xaqiijiyo nabadgelyada iyo amaanka Puntland.