Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Ku Wajahan Mudug – Maxay Tahay Ujeeddada Safarkiisa?
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago gobolka Mudug, halkaas oo lagu wado in uu ka dhagax-dhigo waddo laami ah oo la qorsheeyay in ay isku xirto Bacaadweyn iyo magaalada Gaalkacyo. Inkastoo maamulka uu sheegay in mashruucani qeyb ka yahay dadaallada horumarinta gobolka, hadana waxaa jira shaki ballaaran oo laga qabo suurtagalnimada fulintiisa.
Shacabka gobolka Mudug ayaa mudooyinkii danbe muujinayay caro xooggan oo ka dhan ah maamulka Puntland, kaddib markii la sheegay in Madaxweyne Deni uu hor istaagay mashaariic muhiim ah oo dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in laga hirgeliyo gobolka Mudug, sida la sheegey Mashaariicdaas waxaa ka mid ahaa dhismaha waddooyin iyo adeegyo kale oo aasaasi ah.
Xildhibaan hore Cawil Xasan Daad oo ka mid ah dadka si adag u dhaliila maamulka siciid Deni ayaa sheegay in aan waxba laga dhaxli doonin dhagax-dhigyo aan la fulin doonin isagoo codsadey in la joojiyo.
“Deni oo mushaharkii bixin waayay injineeradii khuburada ahaa ka carareen, waddo dhisimaaysee? Waxaan codsanaynaa in nalaga daayo dhagax-dhigga beenta ah oo dhibaato horseedi kara,” ayuu yiri xildhibaanku.
Dhinaca kale, dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa soo saartay go’aan ay si rasmi ah oo ay ku mamnuucday qabashada shirarka, kulamada iyo isu imaatinnada bulshada, iyadoo aan oggolaansho rasmi ah laga haysan maamulka degmada. Go’aankan ayaa si gaar ah loogu socodsiiyay milkiilayaasha hudheelada, xarumaha shirarka iyo goobaha kale ee gaarka loo leeyahay, iyadoo lagu wargeliyay in aan la oggolaan doonin wax kulamo ah oo aysan dawlada Hoose ogayn.
Amarkan ayaa yimid iyadoo maamulka gobolka Mudug uu horey u joojiyey banaanbaxyo ka dhan ah maamulka Puntland, kuwaas shacabku doonayeen in ay ku muujiyaan dhaliilaha iyo tabashooyinka ay ka tirsanayaan maamulka Siciid Deni, gaar ahaan hor istaagga mashaariicda dowladda dhexe iyo baahiyaha kale ee ka jira magaalada Gaalkacyo