Dowladda Federaalka Oo Baaq Nabadeed U Dirtay Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

Share this Post

Puntland Online Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay Baaq Nabadeed oo ku wajahan dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Baaqan ayaa si cad u cambaareeyay colaadaha iyo beegsiga aan waafaqsaneyn Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhacay qeybo kamid ah dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la doonayo in si degdeg ah loo joojiyo falalka rabshadaha ah, iyadoo wasaaraddu ku adkaysay in hay’adaha amniga laga doonayo inay si dhaqso leh tallaabo sharci ah uga qaadaan cid kasta oo ku lug leh falalka foosha xun, kuwaas oo keena kicinta bulshada iyo amni darrada guud ee dalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowlad-Goboleedyada dalka, odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, haweenka iyo waxgaradka deegaannada ay colaadaha ka jiraan in ay si dhab ah uga shaqeeyaan joojinta iyo daminta dagaallada, si waddanku ugu tallaabsado xasillooni iyo nabad waarta.

Qoraalka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay u aragto nabadda iyo wada-noolaanshaha in ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar iyo midnimo bulsho, isla markaana ay muhiim tahay in la xaqiijiyo amni iyo nolol wanaagsan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku wada noolaadaan

Baaqa wasaarada ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay dalka dhaceen dhacdooyin fool xun oo muujiyey baahida degdegga ah ee  nabadda. Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay Alle uga baryeysay inuu naxariistiisa Janno ku abaalmariyo intii ku dhimatay dagaallada iyo rabshadaha, halka dhaawacyadana uu Alle u boogo dhayo. Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay aayad Qur’aanka ah oo oranaysa:

“Wala taqtulunna nafsa allatii harramallahu illaa bil-xaqi wa saaqamakum bihi la’allakum ta’qiluun.”(Ha dilina nafta uu Alle xarrimay inay la dirirto xaq la’aan, waana ku waaniyay inaad fahamtaan.)


Share this Post