Dabley hubeysan oo labo ruux ku dishay duleedka Gaalkacyo
Gaalkacyo (Puntland Online) – Fiidnimadii Sabtida, laba qof ayaa lagu dilay duleedka magaalada Gaalkacyo, kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen marxuum Siciid Guure Cali iyo marxuumad Canab Burhaan Maxamed Cabdi.
Labada qof ayaa sida la weriyey ka soo laabtey beer lagu nasto oo ku taal duleeedka waqooyi ee magaalada Gaalkacayo, iyadoo xilliga la dilayey ay kusoo jeedeen gudaha magaalada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox hubeysan ay jidka u galeen Gaari ay wateen oo uu dareewal ka ahaa marxuum Siiciid Guure.
Warar hor-udhac ayaa tilmaamaya in dilka labada marxuum uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo hore uga dhacey gobolka Mudug, iyadoo sida la sheegay koxdii weerarka geysatay ay goobta ka baxsatay. Maamulka gobolka mudug iyo laamaha amaanka Puntland ayaan wali wax faah-faahin ah ka bixin dhacdada.
Dhacdadan ayaa qayb ka ah falal dilal ah oo marar badan kusoo laabtay gobolka mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo, kuwaasoo weli aan wax xal ah loo helin