ChatGPT oo Lagu Eedeeyey Dabka Ka holcaya Los Angeles Maxey tahay Sababtu?

Share this Post

Magaalada Los Angeles waxaa ka kacey dab weyn oo sababay dhimashada 25 qof, burburinta in ka badan 12,000 oo dhisme, iyo barakaca ku dhawaad 100,000 qof oo laga raray guryahooda. Dabkan, oo burburiyey dhul baaxad ahaan gaaraya 20,000 hikatar (acre), ayaa gudaha Mareykanka ka dhex abuurey dood kulul oo ku saabsan siyaasadaha maaraynta, biyaha, iyo isbeddelka cimilada.

Maxay Tahay  Sababta ChatGPT Loola Xiriiriyay Dabka Los Angeles?

Waxaa dad badan layaab iyo fajac ku noqotey in ChatGPT, oo ah aalad caqli macmal ah (AI), looga hadlo ama lagu soo hadal qaado doodaha la xiriira dabka Los Angeles. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhowr qodob oo keenay arrintan.

Tiknoolojiyada casriga ah sida ChatGPT waxay isticmaashaa tamar badan oo inta badan laga helo shidaalka dabiiciga ah. Warbixin ay daabacday Goldman Sachs, oo ah hay’ad maaliyadeed oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in halkii su’aal ee la waydiiyo aaladda caqliga macmalka ah ee ChatGPT ay isticmaasho 2.9 watt-hour (wh) oo koronto ah. Dhinaca kale, halka su’aal ee la waydiiyo Google ayaa iyaduna isticmaasha kaliya 0.3 watt-hour (wh) oo koronto ah.

Shaolei Ren, oo ah bare ku takhasusay maaraynta tamarta kana tirsan Jaamacadda UC Riverside ee California, ayaa tilmaamay in halka fariin ee lagu qoro ChatGPT ay isticmaasho 482 millimitir oo biyo ah. Marka loo eego isticmaalka ballaaran ee AI, biyaha loo isticmaalayo waxay noqonayaan xaddi aad u badan.

Sannadkii 2023, Microsoft waxay sheegtay in qiiqa kaarboonka uu kordhay 29%, halka isticmaalka biyahana ay gaareen 23% sababo la xiriira tiknoolojiyada cusub ee AI. Sidoo kale, Google ayaa shaacisay in qiiqa kaarboonka uu kordhay 48% shantii sano ee u dambeysay, iyadoo ay ugu wacan tahay xarumaha ku shaqeeya caqliga macmalka oo aad kordhay.

Ren wuxuu sheegay haddii 5 ilaa 50 su’aalood la waydiiyo ChatGPT, in ay isticmaaleyso cabir biyo ah oo kor u dhaafaya qiyaastii 500 millilitir (nus liitar iyo wixii kabadan), iyadoo ay ku xiran tahay goobta server-ka uu yaallo iyo xilli sanadeedka lagu jiro.

HP Newquist, oo ah taariikhyahan ku takhasusay tiknoolojiyada AI, ayaa sharaxay in server-rada xogta ay soo saaraan kuleyl badan oo joogto ah 24-saac ee maalintii.

Jaamacadda UC Riverside, oo ah jaamacad caan ku ah cilmi-baarista deegaanka, iyo khubaro kale waxay sheegeen in nidaamyada qaboojiyaasha ay inta badan ku tiirsan yihiin biyo, si looga hortago gubashada qalabka AI.

Natiijada Ka Dhalatay Dabka Los Angeles iyo Saameynta Tiknoolojiyada Casriga ah

Dabkan ka kacey Los Angeles wuxuu iftiiminayaa xiriirka ka dhexeeya isticmaalka tiknoolojiyada casriga ah iyo saameynta deegaanka. Nidaamyada qaboojiyaasha ee lagu qaboojiyo qalabka AI, ayaa isticmaala biyo badan, taas oo sababtey yaraanta biyaha magaalada iyo xitaa in qeybo kamid ah magaalada laga waayo biyo lagula tacaalo dabka.

Waxaa sidoo kale muuqatey in kororka isticmaalka tamarta ee shirkadaha AI-ga, ay kaga qeyb qaateen  qiiqa kaarboonka ay hawada kusii dayaan shirkadahaas. Marka la isku daro Saameynta qiiqa kaarboonka iyo isticmaalka biyaha ee AI waxay si toos ah u saameeyeen xaaladda deegaanka ee Los Angeles.

Miyuu ChatGPT Sabab u ahaa Dabka Los Angeles?

Dhab ahaantii, ChatGPT si toos ah sabab uguma ahayn dabka ka holcaya Los Angeles. Si kastaba ha ahaatee, saameynta deegaanka ee tiknoolojiyada AI, isticmaalka tamarta badan iyo biyaha, ayaa sii xoojiyey doodaha ku saabsan kaalinta caqliga macmalka ah AI uu ku leeyahay isbeddelka cimilada.

Martin Adams, oo hore u ahaa maareeyaha Waaxda Korontada iyo Biyaha ee Los Angeles, ayaa sheegay in nidaamyada biyaha magaalada aan loo qaabaynin oo aan horey loogu diyaarinin inay la tacaalaan dab xooggan oo midkaan oo kale ah. Sidoo kale, waxaa lagu qasbanaa in biyo badan loo isticmaalo la-dagaallanka dabka, taasoo sababtay yaraanta biyaha ee magaalada.

Warbixin kale ayaa xustay in nidaamyada biyaha ee Los Angeles aan loogu talogelin xaaladaha degdegga ah sida dabkaan oo kale, taasoo keentay in qeybo ka mid ah magaalada ay biyuhu ka dhamaadaan.

Khubarada saadaasha hawada waxay sheegeen in dabaylaha xawaaraha sare ku socda ay asbuucaaan sii xoogeysan doonaan, kuwaas oo keeni kara in dabku dhul cusub ku sii fido. Waxaa lasoo saaray digniino hor leh kuwaas oo muujinaya halista iyo cabsida laga qabo in xaaladu sii xumaato.

Ku dhawaad 90,000 oo guri ayaa koronto la’aan noqday, iyadoo shirkadaha korontadu ay damiyeen qeybo ka mid ah fiilooyinkii si looga hortago in dab cusub uu kaco. Boolisku waxay xireen 50 qof oo loo haysto falal ay ka mid yihiin tuugo, jebinta xeerarka bandowga, iyo duulinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka sawirada lagu qaado, kuwaas oo sababey khal-khalna geliyey dadaallada dabka lagu daminayey.

Gunaanad

Saameynta tiknoolojiyada AI iyo isticmaalka tamarta badan ayaa dhalisay baahi loo qabo xal waara oo lagula tacaalo saameynta deegaanka.


Share this Post