Xubno Katirsan Daacish Oo isku Soo dhiibey dawlada Puntland
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay soo dhoweysay dad ka faa’iideystay fursaddii cafiska Madaxweynaha Puntland ee todobada cisho ahayd, taasoo uu Madaxweynuhu u fidiyey cid kasta oo hore ula shaqeynaysay kooxda argagixisada Daacish balse ka tanaasushay fikirkooda.
Cafiskan oo horey Madaxweynaha Puntland u fidiyey 27-kii Febraayo 2025, ayaa xilligaas sheegay in ay jiraan dad magac ku leh bulshada oo la shaqeeya argagixisada. Wuxuu tilmaamay in dadkaasi ay isugu jiraan ganacsato, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin.
War kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dowladdu ay bogaadineyso xubnaha metelayay dadka isasoo dhiibey, ee fududeeyay in fursaddaan ay ka faa’iideystaan, kuwaas oo ku dhiirrigeliyay in ay dib bulshada usoo dhex galaan kuna soo laabtaan noloshoodii caadiga aheyd.
Puntland ayaa xustay in fursadda cafisku weli furan tahay inta ka harsan xilliga loo qabtay, iyadoo dadka aan wali lasoo xiriirin ay weli haystaan waqti ay uga faa’iideystaan.
Dowladdu waxay sidoo kale xaqiijisay in hawlgalka ciribtirka argagixisada uu sii soconayo illaa laga sugo amniga guud ee Puntland, iyadoo shacabka lagu ammaanay doorkooda, gaar ahaan dadka ku nool baadiyaha ee xogaha firxadka argagixisada ku usoo gudbinaya laamaha ammaanka.