Maxaadan Ogayn Oo ay Xambaarsanayd Isku Shaandhaynti koobnayd ee 21/10/24 Uu Sameeyay Raysal wasaare Xamze Cabdi Barre
Wasiirka kowaad ee xukuumadda federaalka
Somaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 21/10/24 waxa uu sameeyay isku shaandhayn kooban.
Raysal wasaaruhu wuxuu magcaabay raysal wasaare ku xigeen labaad kaas oo noqonaya kii kowaad ee ay yeelato xukuumada federaalku tan iyo markii kumeelgaarka laga baxay.
Dhanka kale raysal wasaaruhu wuxuu magcaabay wasiiru dawlaha batroolka iyo macdanta kaas oo banaanaa muddo ku dhow sanad ka dib markii uu iska casilay Dr Maxamud Mashruuc si uu uga qayb galo doorashadii dawlad goboleedka puntland. Kursigaas ayaa laga galay olele xoog leh si loo dhaafiyo kursigaas Xildhiban Ismacil Buraale.
Olalaahaas waxaa iska kaashaday kooxda Aaran jaan iyo taliyaha Biliiska Somaliya Gen. Asan Cisman Abdulahi kuwaas oo xafiska Madaxwaynaha iyo kan Raysal Wasaraha dadaal badan geliyay.
Xildhiban Abdullahi Farax Mire oo ka tiraan Golaha shacabka Jamhuriyada Federalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa face book ga ku sifeeyay dadkii hortaagnaa kooxda dibinbaabyada.
‘’Huwantii Aaran-Jaan ee Xil. Ismaaciil Buraale Sanadka dhan ka lulatay oo Xildhibaan saaxiibkood ah ka kaambayn gareynaayey, oo daacayadda iyo quuris la’aanta la daba joogay, maanta mexee faa’diin? War illeen ceeb looma dhinto!
Waxaan u madadcelinayaa Xildhibaanada iyo Wasiirada dulmiga huwanta hortaagnaa, ee sida sharafta leh u garab istaagay Wasiir Xil. Ismaaciil Buraale.
PM Xamse waa ku mahadsnyahay in uunan dheg jalaq u siin kooxaha dibindaabyada’’.
Kooxdan ayaa horay ugu guulaysatay in ay golaha wasiirrada Somaaliya ku dhex yeelato Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Biyaha, inkastoo filashadii labada wasiir iyo kooxda laga qabay ay hoos u dhacday ka dib markii ay wax saamayn ah ku yeelan waayeen gudaha Puntland.