Guddoomiye Cabdikariim oo soo Gabagabeeyay Doorashadii Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Share this Post

Muqdisho – Puntland Online  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa xalay fiidkii la hadlay warbaahinta, isagoo shaaciyey in si nabad ah oo guul leh ay ku dhammaatay codaynta Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in codayntu ay bilaabatay 6:00 subaxnimo, isla markaana la soo xiray 6:00 fiidnimo, iyadoo shacabka reer Banaadir ay si ballaaran uga qeyb qaateen doorashada, una soo baxeen goobaha codbixinta.

Waxa uu xusay in hanaanka doorashadu u dhacay si habsami leh iyo amni leh , islamarkaana goobaha codaynta lagu arkayay dhammaan qeybaha bulshada, oo ay ka mid yihiin waayeel, dhalinyaro, haween iyo mas’uuliyiin codkooda dhiibanaya.

Dhanka kale, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa tilmaamay in saacadaha soo socda la guda geli doono tirinta codadka, taas oo ay goobjoog ka ahaan doonaan wakiillada ururrada siyaasadda, hay’adaha bulshada rayidka ah iyo sidoo kale wakiillo ka socda beesha caalamka.

“Codayntii way dhammaatay, waxaana isla xaley bilaabatey tirinta codadka, iyadoo ay si dhow ula soconayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso. Guddiga Doorashooyinku si joogto ah ayuu warbixin ugu gudbin doonaa bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa u mahadceliyey Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, shaqaalaha doorashada, warbaahinta qaranka iyo tan madaxa-bannaan, iyo shacabka ka qeyb qaatay codaynta, isagoo ku ammaanay doorkooda ku aaddan hirgelinta doorasho si hufan u qabsoontay.


Share this Post