RAAS-KAAM BOONIDA CUSUB EE PUNTLAND
Dagaalka Jubbland ee deegaanka Raas-kaam-booni ayaa keenay Waji-gabax siyaasadeed oo ku yimid Villa Soomaalia, laakiin Villa Soomaaliya waxay markiiba u jeesatay xaga Puntland, waxayna bilowday ka hortaga dagaalka Madaxweyne Dani ka wado Buuraha Calmis-kaad ee ( DAA’ISH ) arintaas oo ay Villa Soomaaliya ka baqayso Inuu guul ka keeno Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni.
Sida la sheegay Madaxweyne Hassan Shiikh Mohamud Isagoo taas ka duulaya iyo balamo hore, ayuu u bilaabay lacago lagu sheegay Mushaarka Ciidanka JIMCAALE iyo PSF lacagtaa oo gaaraysa 450’000 dollar oo ay wada leeyihiin Ilma Diyaano iyo Aaran Jaan-
Kooxda Madaxweyne Hassan Shiikh ayaa u aragta fashil iyo dhibaato kale oo soo wajahday Madaxweyne Said Deni oo kusoo guulaysta Daacish iyo Madaxweyne Ahmed Madoobe oo kusoo guulaystay Jubbland ay sababi doonto bilaabida Abaabul siyaasaded oo 2026 ah iyo Teendhadii Afisyoone.
Lacagaha loo fasaxay PSF ayaa lagu magacaabay Mushaharka Ciidanka iyo khal khalgelinta Magaalada Boosaaso si ciidanka lagu diyaariyey Carmo aysan duulaan ugu qaadin Daacish, lacagtaas oo lagu sheegay 350kun oo dollar bil walba
Sidoo kale lacagta loo fasaxay Aaran Jaan -iyo Ganaraal Jimcaale ayaa loogu talagalay Mushahar iyo Khal khalgalinta Garoowe lacagtaa oo ah 150kun oo doolar ayaa hada buuq iyo israsaasayn ka dhex abuurtey Ciidanka Janaraal Jimcaale waxaana ku dhaawacmay taliyaha-Istaafka Jimcaale, waxeyna lacagtaasi Isku dirtay Ilmo Faroole iyo Aaran jaan