Heshiiska Xabbad-joojinta Qaza oo Ku dhow inuu Bur buro
( Puntland Online) Israel iyo ururka Xamaas ayaa fiidnimadii caawa oo isniin ah midba midka kale ku eedeeyay in uu jebiyey shuruudihii heshiiska xabbad-joojinta ee ay isla qaateen bishi hore ee Janaayo, taasoo abuurtey walaac xoogan oo ku saabsan sii socoshada heshiiska, oo hada maraya badhtamaha lixdii todobaad ee lagu heshiiyey, wajiga kowaad.
Xamaas ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday in maxaabiistii ay qorsheeyeen in ay siidaayaan Sabtida soo socota, 15-ka bisha Febraayo, dib ay dhigeen ilaa amar dambe. Xamaas waxay ku eedeysay Israel in ay is-hortaag ku sameysay dadka barakacayaasha ah ee ku noqonayey waqooyiga Marinka Gaza. Sidoo kale, Xamaas ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay toogasho ka geysteen qaybo ka mid ah Marinka Gaza, iyo in ay diideen in gargaarkii lagu heshiiyey uu galo Marinka.
Afhayeenka Millatery ee Xamaas oo Ka Hadlay Xadgudubyada Israel
Afhayeenka garabka Millatery ee Xamaas, Abu Obaida, oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay:
“Intii lagu guda jiray saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay, hoggaanka iska caabbinta wuxuu si dhow ula socdey xadgudubyada cadowga iyo ku xadgudubka shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta. Xadgudubyadaas waxaa ka mid ah is-hortaagga soo celinta dadka barakacayaasha ee waqooyiga Gaza iyo weerarada lagu beegsanayo dadka barakacay. Iyadoo iska caabbintu si buuxda u fulisay waajibaadkeeda ku aadan heshiiska.”
Sidaa darteed, sii-deynta maxaabiista cadawga ee la qorsheeyay Sabtida, 15-ka Febraayo 2025, ayaa dib loo dhigey ilaa ogeysiis dambe. Joojinta sii-deynta maxaabiista waxay sii socon doontaa ilaa Israel ay u hogaansanto heshiiska oo ay fuliso waajibaadka qodobada lagu heshiiyay.
Dhinaca kale wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in bayaanka Hamas ee ku saabsan joojinta sii-deynta maxaabiista uu xadgudub ku yahay heshiiska xabbad-joojinta Qaza, isagoo sheegay inuu amray in ciidanka la geliyo diyaar garow heerka ugu sareeya si looga jawaabo xad gudub walba oo ka dhan ah heshiiska.
Wakaaladda wararka Reuters oo xiganeysa ilo masaari ah ayaa sheegtey, in ururka Xamaas uu ku wargeliyey dhex dhexaadiyaasha, in Israel aysan ka,goneyn fulinta wajiyada kala duwan ee heshiiska xabbad-joojinta iyo is dhaafsiga maxaabiista. Sidoo kale, waxay sheegeen in dammaanad-qaadkii Mareykanka uu bur burey kadib markii uu soo baxay qorshaha Donald Trump ee ku saabsan in laga masaafuriyo Falastiiniyiinta marinka Qaza.
Xadgudubyada Israel ee Heshiiska Xabbad-Joojinta
Xafiiska Warfaafinta Maamulka marinka Qaza ayaa daabacay xog muujineysa xadgudubyada Israel ee heshiiska xabbad-joojinta, waxaana ka mid ah:
12,000 gaadiid gargaar ah ayaa lagu heshiiyey inay gelaan Qaza, balse kaliya 8,500 ayaa galay.
50 gaadiid shidaal ah ayaa lagu heshiiyey inay maalin walba marinka Qaza galaan, balse kaliya 15 ayaa galay.
60,000 oo ah guryo kumeelgaar ah ayaa lagu heshiiyey in la geeyo gudaha marinka Qaza, balse hal xabbo ma aysan gelin.
200,000 teendhooyin ah ayaa lagu heshiiyey inay la geeyo marinka Gaza , balse kaliya 20,000 ayaa la geeyey.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo warbaahinta Israel ay maalmihii lasoo dhaafay sheegeysay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu doonayo burburinta heshiiska xabbad-joojinta Qaza, kadib markii uu u diray Qatar wafdi aan wax awood ah lahayn. Sidoo kale, hadallada kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ee ku saabsana in Falastiiniyiinta laga masaafuriyo Qaza ayaa sii xoojiyey shakiga laga qabo mustaqbalka heshiiska, iyada oo Xamaas ay sheegtay in dammaanad-qaadkii Mareykanka uu burburay