Madaxtooyada Puntland oo Qorshaynaysa Inay Kala Dirto PSF
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxtooyada Puntland ay qorshaynayso in ay kala dirto Ciidanka PSF (Puntland Security Forces), oo ah hay’ad amni oo muddo labaatan sano ah ku takhasustay la dagaallanka argagixisada. Qorshahani wuxuu qeyb ka yahay isbeddel cusub oo ku socda qaab-dhismeedka amniga iyo maamulka siyaasadeed ee Puntland.
Inkastoo dad badan u arkaan PSF inay tahay hay’ad musuq maasuq iyo eex ragaadiyeen, haddana waxaa jirta xaqiiq ah in ay heyso ciidan u badan dhalinyaro firfircoon oo si heer sare ah loo tababaray, kuwaas oo la isku halleyn karo marka ay timaado dhinaca amniga iyo la dagaallanka argagixisada, waxaana haatan muuqata in ay wajahayaan xaalad adag oo jiritaankooda ah.
Ciidanka ayaa laga saaray door muhiim ah oo ay ku lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Puntland, taas oo loo fasiray calaamad muujinaysa in awoodda hay’adda si tartiib tartiib ah loo wiiqayo.
Waxaa la sheegay in PSF ay wajahday hoos u dhac dhaqaale oo si ula kac ah loogu sameeyay, taasoo curyaamisay awoodda ciidanka ee ladagaalanka argagixisada. Tani waxay qayb ka tahay qorshaha uu maamulka hada jira ku wiiqayo awoodda hay’adda PSF.
Daneeyayaasha caalamiga ah, oo ugu horeeyo Mareykanka oo ka taageera PSF dhinacyada tababarada iyo dhaqaalaha, ayaan weli la ogeyn sida ay uga falcelin doonaan tallaabadan lagu kala dirayo ciidanka PSF