Warbixin: Khasaaraha dagaalka Calmiskaad 11 Febraayo 2025

Share this Post

(Puntland Online) Ciidanka Difaaca Puntland ayaa guul taariikhi ka gaaray dagaal culus oo ay la galeen kooxda argagixisada Daacish, kadib markii ay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo ay kooxdu ku qaadday fariisima ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Dharin, ee degmada Qandala ee gobolka Bari. Deegaankani ayaa ku yaallaa togga Jeceel, oo dhaca buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ka wadaan howlgalka Hilaac, kaas oo buuraleyda lagaga sifeynayo kooxda argagixisada Daacish.

Weerarka ayaa dhacey, 11-ka Febraayo, abaare 3:00 habeennimo, kadib markii kooxda Daacish ay ku ekeysey fariisimaha ciidamada labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Mid ka mid ah gaadiidka ayaa ku qarxey bartilmaameed, halka midka kale ay ciidamadu fashiliyeen inta uusan gaadhin goobtii ay la doonayeen kooxdu.

Kadib qaraxyada, sida ay ku warameen saraakiisha amniga waxaa xigtey in dagaalyahanno tiradoodu kor-udhaafayso 80 xubnood oo qaarkood ay ku hubeysnaayeen mootoyin qaraxyo ku xiran yihiin, ay dagaal toos ah lagaleen ciidamada difaaca Puntland, dagaalka oo socdey in ka badan 15 saacadood ayey markii danbe ciidamadu ku guuleysteen iney soo afjaraan kooxdi weerarki soo qaadey oo sida lasheegay laga diley 80 dagaalame.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka, dagaalka waxaa lagu dilay in ka badan 80 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish, dhanka ciidamada Puntland, waxaa la xaqiijiyay in in ka badan 30 askari ay ku geeriyoodeen, halka tiro 40 kabadan ay dhaawacmeen.

Dhinaca kale, sida ay ku ay shegeen saraakiisha hogaamineysa howlgalka, ciidamadu waxay ka furteen Daacish hub iyo saanad ciidan oo aad u badan, taasoo muujineysa in kooxdu isku dayday weerar ballaaran, balse uu si buuxda ugu fashilmeen.

Puntland ayaa bishii December ee 2024 ku dhawaaqday howlgal wayn oo ka dhan ah argagixisada Daacish, iyadoo sheegtay in tan iyo xilligaas howlgalka lagu diley maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badannaa ajaanib. Iyadoo lagu qiyaasayo tirada argagixisada ku sugan buuraleyda Calmiskaad inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahan, garabka argagixisada Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay si wayn u kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaal


Share this Post