Khalad istaraatiiji ah? Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland oo hurinaya xiisado cusub – Aragti

Share this Post

Wargeyska caanka ah ee The Jerusalem Post ee kasoo baxa Israa’iil ayaa daabacay maqaal ra’yi ah oo falanqeynaya tallaabada Israa’iill ay ku aqoonsatay Somaliland.

Maqaalkaas waxaa qoray Habtom Ghebrezghiabher, falanqeeye siyaasadeed iyo arday PhD ah oo ka tirsan Jaamacadda Hebrew University ee Qudus. Qoraagu wuxuu ku doodayaa in aqoonsigaasi yahay khalad istaraatiiji ah oo hurin kara xiisado cusub, daciifin kara Somaliland, isla markaana aan u adeegayn danaha amni iyo diblomaasiyadeed ee Israa’iil. Hoos ka akhri maqaalka oo dhameystiran.

Khalad istaraatiiji ah? Tallaabada Israel ee aqoonsiga Somaliland oo hurinaysa xiisado cusub – Aragti

Israa’iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan. Inkastoo baahida Somaliland ee aqoonsi caalami ah la fahmi karo, hadana degdega Israa’iil waa mid la yaab leh. Faa’iido kasta oo istaraatiiji ah oo Israa’iil ka filayso tallaabadan waxaa aad uga badan khataraha ay wadato.

Halkii uu aqoonsigani Somaliland xoojin lahaa, wuxuu sii xoojinayaa kala qaybsanaanta bulshada gudaha Somaliland, wuxuu kicinayaa xiisado horleh, mana aha mid faa’iido u leh danaha amni ee Israa’iil ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, wuxuuna Israa’iil ka sii fogeynayaa saaxiibadeeda diblomaasiyadeed.

Mabda’ ahaan, Somaliland waxay mudan tahay aqoonsi caalami ah, maadaama dadka ku nool guud ahaan ay ka duruuf roon yihiin inta kale ee Soomaaliya, isla markaana dawladihii uu sameeyey gumaysigu ay ku fashilmeen bixinta amni, shaqo, iyo sharciyad siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, aqoonsiga Israa’iil wuxuu kordhinayaa nuglaanta Somaliland, waxna kama tarayo yoolalka istaraatiiji ee Israa’iil ha noqoto la dagaallanka Xuutiyiinta, xaddididda saameynta Turkiga ee Geeska Afrika, sugidda ammniga Badda Cas, horumarinta Heshiisyada Abraham, ama xitaa fududeynta tarxiilida Falastiiniyiinta Qaza.

Taas bedelkeeda, tallaabadani waxay halis u tahay inay Somaliland daciifiso, iyadoo Israa’iil ka helayso faa’iido istaraatiiji ah oo aad kooban ama aanan jirin. Ma aha wax lala yaabo in Mossad ay ka dambeeyo tallaabadan, taasoo ka tarjumaysa Qab hay’adeed, isla-weyni istaraatiiji ah, iyo faham aan qoto-dheerayn oo ku saabsan Geeska Afrika. Mossad waxey ku guuldarreysatay saadaalinta khatarta kooxda Xuutiyiinta, sidaas oo kalena waxey hoos u dhigeen khatarta ka soo fool leh Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu wuxuu u mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, Agaasimaha Mossad David Barnea, iyo si guud hay’adda Mossad doorkeeda aqoonsiga Somaliland, isagoo muujiyay dareenka guusha. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego baahida degdegga ah ee Somaliland u qabto aqoonsi iyo doorashooyinka kusoo fool leh Israa’iil, waqtiga la doortay wuxuu u muuqdaa mid Israa’iil u adeegaya—inkastoo natiijada istaraatiijiga ah weli shaki wayni kujiro.

Inkasta oo Somaliland muddo dheer isu soo bandhigtay inay ka duwan tahay dalalka kale ee Geeska Afrika, sida mid deggan, dimuqraadi ah, isla markaana madax-bannaan muddo soddon sano balse xaqiiqadu waa mid ka fog sida loo maleeyo.Qabiilka ayaa door weyn ku leh siyaasadda, lahaanshaha dhulka, iyo matalaadda.

Beesha Isaaq waxay maamushaa magaalooyinka waaweyn ee bartamaha iyo woqooyiga sida Hargeysa, Berbera, iyo Burco. Si kastaba ha ahaatee, gobollada bari iyo qaybo ka mid ah waqooyi-galbeed weli waxay daacad u yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya, taasoo abuuraysa muran dhuleed.

Bariga Somaliland—gaar ahaan Sool iyo Sanaag, waxaa degan Dhulbahante iyo beelo kale oo Daarood ah oo u janjeera daacadna u ah dawlada federaalka, taasoo sababta khilaafyo iyo dagaallo soo noqnoqda.

14-kii Abriil, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aqoonsatay SSC-Khaatumo inay noqoto Dawlad-Goboleedkeedii lixaad ee Fedraalka, taasoo yareysay ama soo koobtey dhulka Somaliland ilaa ku dhowaad 45% taas oo si weyn u wiiqday sheegashadeeda madaxbannaanida.

Waqooyi-galbeed, beesha Dir, gaar ahaan Ciise, waxay ku badan yihiin Awdal iyo Borama, xiriirro xooggan ayayna la leeyihiin Jabuuti, oo taageerta danahooda siyaasadeed iyo bulsho, marar badanna ka hortagta awoodda Hargeysa.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxuu sii xoojin doonaa khilaafaadka ka jira bariga iyo waqooyiga-galbeed. Beelaha taageersan federaalka ee Sool iyo Sanaag waxay u adeegsan doonaan joogitaanka Israa’iil mar marsiyo ay ku kiciyaan xiisado hor leh oo ka dhan ah Hargeysa, iyadoo Turkigu siinayo taageero siyaasadeed, milatari, iyo dhaqaale.

Waqooyi-galbeedna, Ciise oo ay garab taagan yihiin Jabuuti iyo Shiinaha, waxay sidoo kale diidi doonaan awoodda dhexe. Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa xiriirka Somaliland iyo Taiwan, isagoo u arka mid ka hor imanaya Mabda’a Hal-Shiine. Dhammaan isbeddelladan waxay halis ku yihiin midnimada, awoodda dhexe, iyo xasilloonida Somaliland.

Tallaabadani waxay sidoo kale siinaysaa Al-Shabaab hub dacaayadeed. Kooxdu waxay ka faa’iidaysan doontaa dareenka ka dhanka ah Israa’iil ee ku baahsan Soomaalida wadaniga ah iyo Islaamiyiinta—gaar ahaan gudaha beesha Isaaq—si ay u qortaan dagaalyahanno uguna helaan sharciyad. Kasoo horjeedka Israa’iil waa waddada ugu fudud ee ay maleeshiyaadka Islaamiyiintu ku kasban karaan taageero.

Al-Shabaab waxay aqoonsiga ku sawiri kartaa faragelin Sahyuuniyadeed iyo khiyaano Falastiiniyiinta ah oo Somaliland gashay, taasoo xoojin karta xiriirka ay la leedahay Xuutiyiinta, Iiraan, iyo hoggaamiyaha Eritrea—kaas oo ka soo horjeeda kala go’a Soomaaliya iyo faragelinta Imaaraadka, isla markaana 2022 tababaray oo diray 10,000 askari oo Soomaali ah, qaar badan oo ka mid ahna markii dambe ku biiray Al-Shabaab.

Tani waxay sii kordhinaysaa nuglaanta Somaliland. Dhanka istaraatiijiyadda, aqoonsigu ma aha mid u daneynaya Israa’iil. Fikradda ah in aqoonsigu xoojinayo awoodda Israa’iil ee ka dhanka ah Xuutiyiinta waa faham khaldan. Ka adkaanshaha Xuutiyiinta wuxuu u baahan yahay hawlgal dhulka ah oo ay fuliyaan xulafado leh ciidan qaran oo mideysan iyo rabitaan dagaal arrimahaas oo Somaliland aysan heysan.

Saldhig badeed oo Somaliland ku yaalla wuxuu kaliya soo dhoweynayaa duqeymaha cirka ee Israa’iil. Duqeymihii hore ee ay fuliyeen Sacuudi Carabiya, iyo Maraykanka, dilalkii qorsheysnaa, iyo cunaqabatayntii la saarey Xuutiyiinta dhammaantood way fashilmeen.

Xitaa Gaza, Israa’iil waxay u baahatay hawlgallo dhulka ah si ay ula tacaasho Xamaas. Joogitaanka Israa’iil ee Somaliland waxba kama beddeli doono dheelitirka istaraatiijiga ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Aqoonsigu sidoo kale wax weyn kama tari doono Heshiisyada Abraham. 14-kii Agoosto, Senator Ted Cruz wuxuu ku boorriyay Donald Trump warqad furan si, uu u aqoonsado Somaliland, isagoo xusay diyaar u ahaanshaheeda xiriirka Israa’iil iyo taageeridda Heshiisyada Abraham. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump wuu diiday, wuxuuna sheegay in Maraykanku uusan ku deg degi doonin inuu raaco tallaabada Israa’iil.

Sacuu­diga—oo caadiyeynta xiriirka Israa’iil ku xidhay jid cad oo lagu gaarayo dowlad Falastiini ah—ayaa sidoo kale ka soo horjeestay tallaabadan, taasoo muujinaysa in aqoonsiga Somaliland uusan si dhab ah u horumarin doonin Heshiisyada Abraham.

Somaliland waxay si cad u beenisay in wax wada-xaajood ah ama heshiisyo ay la gashay Israa’iil ama Maraykanka oo ku saabsan dib u dejinta Falastiiniyiinta Qaza. Ka raridda Falastiiniyiinta Qaza iyo dhisidda “Riviera” marnaba ma ahayn qorshe Israa’iil; waa fikrad ka timid Trump oo uu ka laabtay.

Dhanka diblomaasiyadda, Israa’iil waxay wajahaysaa falcelin taban. Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa ka soo horjeestay tallaabadan, taasoo sharciyad siisay mowqifyadooda ka dhanka ah Israa’iil. Dalal badan oo Afrikaan ahna waxay ka baqayaan gobollo gooni-u-goosad ah sida Somaliland.

Shiinaha si rasmi ah ayuu uga soo horjeestay aqoonsiga, halka Midowga Yurub uu mar kale adkeeyay taageeradiisa midnimada dhuleed iyo xasilloonida Soomaaliya. Inkastoo Imaaraadka laga yaabo inuu u arko tallaabada mid u roon danihiisa la xiriira Somaliland, haddana wali si cad uma bareerin.

Gunaanad: Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uma adeegayo danaha Israa’iil iyo kuwa Somaliland midna. Inkastoo rabitaanka Somaliland ee aqoonsi la fahmi karo, tallaabadani waxay sii xoojineysaa kala qaybsanaanta gudaha, waxay kicinaysaa xiisado caalami sh, waxayna xoojinaysaa dacaayadda xagjiriinta. Diblomaasiyad ahaan, waxay go’doominaysaa Israa’iil, mana keeneyso faa’iido amni oo muuqata oo la xiriirta Badda Cas. Guud ahaan, aqoonsigu wuxuu labada dhinacba gelinayaa khataro waaweyn.


Share this Post