General Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo ku Geeriyooday Nairobi

Share this Post

Nairobi, Kenya – Alle ha u naxariistee, General Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), oo kamid ahaa saraakiishii ugu saameynta badnaa taariikhda militariga Soomaaliya, islamarkaana La-taliye Sare u ahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kaddib xanuun uu muddooyinkii dambe uu la tacaalayay.

Geerida General Moorgan waxaa si rasmi ah u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland. General Moorgan, oo lagu xasuusto doorkiisii militari ee dowladdii kacaanka, waxa uu ku dhashay sanadii 1949 magaalada Qardho. Waxbarashadiisa hoose iyo sare wuxuu ku qaatay magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho, halka uu ciidanka Xooga Dalka ku biiray sanadkii 1967.

Genaraal Moorgan wuxuu Tababbarro ciidan oo heer sare ah kusoo qaatay dalal ay kamid yihiin Ruushka iyo Mareykanka, isagoo soo noqday Taliyaha Qeybaha 21-aad iyo 26-aad ee ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ilaa uu markii dambe noqdey Wasiirkii ugu danbeeyey ee Gaashaandhigga dawladii kacaanka.


Share this Post