Is Bar-bar Dhig Iran iyo Israel: Maxay yihiin awoodahooda weerar iyo difaac?
Israel ayaa weerartay dhowr bartilmaameed oo ku yaalla gudaha dalka Iran subaxnimadii hore ee Sabtida, iyadoo sheegtay inay beegsatay xarumo ciidan, taas oo calaamad u ah heerka sare u kaca xiisadda sii kordhaysa ee ka dhex taagan labadaan dal ee ku yaal Bariga Dhexe.
“Waxaan fulinay weerarro gaar ah oo aan ku beegsanay bartilmaameedyada militari ee Iran, annaga oo ka hortagnay halis amni oo kusoo wajahneyd Israel,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Israel, Daniel Hagari, oo fariin ku soo qoray bartiisa bulshada ee X, isagoo shaaciyay in weerarkaasi usoo dhammaaday.
Waxaa la maqlay dhowr qarax oo ka dhacay magaalada Tehran. Wariye lagu magacaabo Resul Sardar oo ka tirsan Al Jazeera, oo ku sugan caasimadda Iran, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Iran ay qaraxyada u sababeyeen gantaalo ay ka hortageen nidaamyada difaaca cirka ee Iran.
Weerarkan Israel wuxuu yimid wax ka yar bil kaddib markii Iran ay weerartay magaalooyinka waaweyn ee Israel iyadoo adeegsaneysa ugu yaraan 180 gantaal oo ah kuwa ridada dheer bishii Oktoobar 2-deedii. Xukuumadda Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay in gantaalladan ay u rideen si ay ugu aar-gudaan xasuuqa Israa’iil ku heyso shacabka Gaza iyo Lubnaan, iyo sidoo kale dilalkii hoggaamiyeyaasha IRGC, Hamas, iyo Hezbollah. IRGC waxay sheegtay in gantaalahaas lagu beegsaday saddex saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Tel Aviv.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu ka jawaabi doono weerarkii Oktoobar 2-deedii, isagoo sheegay in Iran ay “khalad weyn samaysay” isla markaana ay “ciqaab adag la kulmi doonto.”
Madaama Iran iyo Israel ay colaad muddo dheer soo socotay ka dhex jirto, haddana ayba sii xoogeysatey in isku dhac toos ah uu dhex mari karo, waxaa muhiim in la fahmo awoodaha labada dal ee dhinaca weerarka iyo difaaca dhulkooda.
Sida ku cad warbixinta The Military Balance 2023, oo ay soo saartay hay’adda falanqaynta istiraatiijiyadda ee Boqortooyada Ingiriiska ee loo yaqaan International Institute for Strategic Studies (IISS):
Awoodda Ciidamada:
Iran waxay leedahay 610,000 oo askari oo diyaar u ah xilli walba iney dagaal galaan, oo ay ku jiraan 350,000 oo ka tirsan ciidanka dhulka, 190,000 oo ka tirsan Ilaalada kacaanka IRGC, 18,000 oo ka tirsan ciidamada badda, 37,000 oo ka tirsan ciidanka cirka, iyo 15,000 oo ka tirsan difaaca cirka. Waxay sidoo kale leedahay 350,000 oo ciidamo kayd ah. Ragga ka weyn 18 jirka ee Iran waxaa ku waajib ah in ay qaatan tababar ciidan, inkasta oo ay jiraan kuwo laga dhaafo.
Israel waxay leedahay 169,500 oo askari oo diyaar u ah waqti walba iney dagaal galaan, waxaa kamida 126,000 oo ka tirsan ciidanka dhulka, 9,500 oo ka tirsan ciidamada badda, iyo 34,000 oo ka tirsan ciidamada cirka. Israel sidoo kale waxay leedahay ciidamo kayd ah oo gaadhaya 465,000 oo askari. Ragga iyo dumarka intooda badan ee ka weyn 18 jir waxaa ku waajib ah in ay ku biiraan ciidanka.
Kharashka Milatariga:
Sida uu sheegay Machadka Caalamiga ah ee Baaritaanka Nabadda ee Stockholm (SIPRI):
Iran waxay ku bixisay $10.3 bilyan oo dollar sanadkii 2023, taas oo ka dhigan kororka 0.6% marka loo barbardhigo miisaniyadii sanadkii 2022.
Israel waxay ku bixisay $27.5 bilyan sanadkii 2023, taas oo ahayd 24% marka loo eego miisaniyada guud sanadkii hore.
Awoodda Ciidanka Dhulka: Sida lagu sheegay warbixinta The Military Balance 2023:
Iran waxay leedahay in ka badan 10,513 taangiyada dagaalka, 6,798 madfac, iyo in ka badan 640 gaadiid gaashaaman. Ciidanka dhulka waxay leeyihiin 50 diyaaradood oo qumaatiga u kaca, halka ciidanka Ilaalada kacaanka IRGC ay leedahay 5 diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Israel waxay leedahay ku dhowaad 400 taangiyada dagaalka, 530 madfac, iyo in ka badan 1,190 gaadiid gaashaaman.
Awoodda Ciidanka Cirka:
Sida ku cad warbixinta The Military Balance 2023:Iran: Ciidanka cirka waxay leeyihiin 312 oo ah noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka, halka ciidanka Ilaalada kacaanka IRGC ay leeyihiin 23 diyaaradaha dagaalka. Ciidanka cirka waxay sidoo kale leeyihiin tiro lagu qiyaaso 10 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee looyaqaan (Attack helicopters), halka ciidanka dhulka ee Iran ay leeyihiin 50 diyaaradaha qumaatiga u kaca oo isla nooca weerarka ah.
Israel waxay leedahay 345 diyaaradaha dagaalka, 43 kamida waa kuwa qumaatiga u kaca oo ah si gaar ah nooca dagaalka (Attack Helicopters).
Ciidamada Badda:
Sida ku cad warbixinta The Military Balance 2023: Iran waxay leedahay 17 gujisyada quusa ah, 68 doonyo dagaal ah, 7 doonyo kuwa xagga weerarka ah, 12 maraakiibta (Landing ships) iyo 18 kuwa qaada qalabka saheyda iyo taageerada ciidanka.
Israel waxay leedahay 5 gujisyada quusa ah iyo 49 doonyo dagaal ah.
Nidaamyada Difaaca Cirka:
Sida ku cad warbixinta The Military Balance 2023: Israel waxay ku tiirsan tahay nidaamka difaaca ee loo yaqaan Iron Dome, kaasoo la rumeysan yahay inuu ka hortagay inta badan gantaaladii Iran ee habeenkii Talaadada ku soo dhacay Israel. Nidaamkan wuxuu leeyahay raadaar soo ogaada gantaalaha soo socda, xawaaraha iyo jihada ay ku socdaan. Markaas waxaa lagu xisaabiyaa haddii gantaalku khatar ku yahay magaalooyinka Israel. Haddii gantaalka uusan khatar ahayn, waa la daayaa in uu ku dhaco meel bannaan, haddii uu khatar yahay, waxaa la adeegsadaa gantaallo lagu burburiyo. Waxaa jira 10 qaybood oo Iron Dome ah oo ku kala yaalla gudaha Israel. Nidaamyo kale waxay ka hortagaan gantaalaha ridada dhexe iyo kuwa ridada dheer. Nidaamka David’s Sling wuxuu burburiyaa gantaalaha u dhexeeya 40km ilaa 300km, halka nidaamka Arrow System uu ka hortago gantaalaha leh masaafa ilaa 2,400km.
Iran: Bisha Febraayo ee sannadkan, Iran waxay hawlgalisay nidaamka difaaca gaaban ee loo yaqaan Azarakhsh, oo leh dareemayaal lagu ogaado laguna burburiyo bartilmaameedyada. Waxay kaloo isticmaalaan gantaallo kala duwan oo laga keenay dalal kala duwan sida Ruushka iyo Shiinaha.
Gantaalaha Ridada Dheer: Sida uu sheegay Machadka Maraykanka ee Daraasaadka Istiraatiijiga (CSIS):
Iran waxay leedahay ugu yaraan 12 nooc oo gantaalaha ridada dhexe iyo kuwa ridada gaaban. Waxay u dhexeeyaan Tondar 69 oo masaafo ah 150km ilaa Khorramshahr iyo Sejjil oo masaafohoodu gaareyso ilaa 2,000km.
Israel waxay leedahay ugu yaraan 4 nooc oo gantaalaha ridada gaaban, dhexe iyo kuwa ridada dheer, oo ay ku jiraan LORA oo leh masaafa 280km ilaa Jericho-3 oo u dhexeeya 4,800km ilaa 6,500km.
Hubka Nukliyeerka:
Israel waxaa lagu qiyaasay inay leedahay 90 madaafiic nukliyeer ah, sida uu sheegay Machadka Hubka ee Maraykanka.
Iran lama rumeysna inay leedahay hub nukliyeer ah, inkastoo ay leedahay barnaamij nukliyeer oo aad u horumarsan iyo xarumo cilmi baaris oo badan. Hogaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei, ayaa horay u soo saaray fatwo diineed ka dhan ah sameynta hubka nukliyeerka, bilowgii (2002) isagoo ku mamnuucey in sameysashada hubka nukliyeerku ay tahay denbi shareecada Islaamka.