Qoyska Madaxweynaha Puntland iyo Ganacsato Ku Marunsan Ka Ganacsiga Maan Dooriyaha Qaadka

Share this Post

Garowe, Puntland Waxaa cirka isku sii shareeraya muranka ka taagan ganacsiga maandooriyaha qaadka ee Puntland, ka dib markii ganacsatada qaadka ay sheegeen in qoyska madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ay soo farageliyeen ganacsigooda, taasoo abuurtey cabasho xooggan oo ka timid ganacsatada.

Ganacsatada qaadka ee Puntland ayaa sheegay in ganacsigoodii hakad galay, iyagoo eedeyn u jeediyay wiilka madaxweynaha Puntland oo ay ku sheegeen inuu isbaaro u dhigtay qaadka si uu saami uga helo. Wararka ayaa intaas kudaraya in ganacsatadii qaadka horey u keeni jirtay laga hor istaagay inay badeecadooda ka soo dajiyaan magaalada Garowe iyo magaalooyinka kale Puntland, taas oo keentey in qaadku gebi ahaanba istaago.

Mid kamid ganacsatada oo warbaahinta lahadley yaa yiri “Anigu waxaan kamid ahey ganacsatada  qaadka waxaan nahay canshuur bixiyayaal u hogaansan dawlada, lakiin dawladii ayaa shaqada-yadi faraha kala bixiwaydey oo aan ka ganacsan wayney anaga o aan wax denbi ah gelin, waan qarsan wayney madaxwaynaha Puntland isaga ayaa horey u yiri qarsan meyno anaguna waxaan leenahay madaxwaynaha qarsan meyno.”

Sida ay ganacsatadu sheegeen, maamulka Puntland ayaa xannibay qaadka, iyagoo ku cadaadinaya ganacsatada inay bixiyaan saami lacageed ama ay la shaqeeyaan dad gaar ah oo sida ay shegeen uu kamid yahay wiilka Madaxwayne Siciid Abdullahi Deni.

Dhinaca kale , xogo ay heshay warbaahinta Puntlane Online ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dhammaan ilaha dhaqaalaha Puntland u gacan geliyay qoyskiisa, taasoo saameyn xooggan ku yeelatey ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degaanada Puntland.

Waxaa la sheegay in shaqaalaha ka howlgala mashaariicda Bangiga Adduunka (World Bank) intooda badan lagu xushay hab qoys, taasoo banaanka soo dhigtey tuhunkii laga qabey musuqmaasuqa ka dhex jira maamulka Puntland.

Ganacsatada qaadka ayaa si adag u cambaareeyey faragelinta ganacsigooda lagu hayo, waxayna dalbadeen in si degdeg ah loo joojiyo Isbaaro ay sheegeen in loo dhigtey suuqooda. Waxay codsadeen in Puntland ay ka shaqeyso jawi ganacsi oo xor ah oo ka madax bannaan cadaadis siyaasadeed iyo dano gaar ah.

Inkasta oo cabashooyin badan ay kasoo yeerayaan ganacsatada qaadka, hadana maamulka Puntland wali kama uusan hadlin eedeymaha loosoo jeediyey.


Share this Post