Qorshaha Weerarka: Iran iyo Xulafadeeda Bariga dhexe oo Ka Aar-gudanayaan Israel
Kadib xiisadii ka dhalatey dilkii gudaha, Iiraan loogu geystey Alle ha u naxariistee madaxii siyaasada ururka Xamaas ee Ismail Haniyah Iiraan iyo xulafadeeda Bariga Dhexe ayaa qorsheynaya inay Israel ku qaadaan weerar aar-goosi, kaas oo sida la qiyaasayo ka weynaan doona, midkii ay Iiraan iyo kooxaha ay tageerto ku qaadeen Israel Abriil 2024, maadaama weerarkaas uusan u geysan Israel khasaare weyn oo la taaban karo.
Iiraan waxay hadda u muuqataa in-ay qorshaynayso weerarkeeda xiga si ay uga aar-gudato Israel, iyada oo ka fogaanaysa dagaal ballaaran oo ka qarxa Gobolka, midda ugu khatarta badan ee hadda muuqata waa in Iiraan iyo xulafadeeda Bariga dhexe ay isku dayayaan weerar wadajir ah oo ballaaran oo isugu jira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo iney ku weeraraan Israel, iyagoo casharro ka bartey weerarkii ay ku qaadeen Israel Abriil 2024.
Xisbullah, Xuuthiyiinta, iyo kooxaha kale ee hubeysan ee ay Iiraan taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa la qiyaasayaa in qaadi donaan weerarro isku mar ah si ay u daciifiyaan nidaamka difaaca cirka ee Israel.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada laga soo rido Ciraaq, Lubnaan, iyo Suuriya ayay Israel ku adkaan doontaa inay qabato marka loo eego kuwa ka yimaada Iiraan, sababtoo ah masaafada gaaban iyo waqtiga kooban ee ay ku gaari karaan Israel ayaa sahlaya inay si fudud ku garaan gudaha Israel.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah waxay ku qaadanaysaa qiyaastii 15 daqiiqo inay gaaraan magaalada dekeda leh ee Haifa, halka ay qiyaastii 40 daqiiqo ku qaadaneyso inay gaaraan caasimada Israel ee Tel Aviv.
Dhinaca kale, waqtiga gaaban ee duulimaadka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo xawaaraha sarreeya ee gantaalaha Iiraan ayaa u sahlaya Iiraan, in ay isku mar wada rido gantaalada ridada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo badankoodu awood u leh inay ku garaan gudaha Israel wax ka yar 8 daqiiqo ilaa 10 daqiiqo.
Dhanka kale, Xisbullah iyo Xuuthiyiinta ayaa labaduba qaaday weerarro si guul ah uga gudbay nidaamka difaacyada cirka ee Israel tan iyo bishii Abriil 2024, tusaalaha ugu weyn wuxuu ahaa weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiintu ka geysteen caasimada Israel ee Tel Aviv 19-kii Luulyo, kaas oo sababay dhimashada 19 qof oo Israa’iili ah iyo dhaawaca afar kale.
Difaacyada cirka ee Israel sidoo kale waxay ku guuldareysteen inay joojiyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah bilihii la soo dhaafay, sababo la xiriira waqtiga gaaban ee duulimaadka iyo dhulka buuraleyda ah oo u sahlay inay ka gudbaan nidaamyada difaaca cirka ee Israel.