Madaxweynaha Waqooyi Bari Firdhiye Oo Magacaabay Guddiga Nabadda Iyo Wada-xaajoodka Somaaliland
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa habeenimadii xalay si rasmi ah u magacaabay Guddiga Nabadda iyo Wada-xaajoodka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya. Magacaabistan ayaa timid kadib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka.
Guddigaan oo ka kooban toddoba xubnood ayaa loo xil-saaray in ay hormuud ka noqdaan wada-xaajoodka Maamulka Waqooyi Bari iyo maamulka Somaliland, si labada dhinac ay isugu yimaadaan miiska wadahadalka. Ujeedada ugu weyn ayaa ah in la abuuro fursad lagu xalliyo khilaafaadka taagan, gaar ahaan is-weydaarsiga maxaabiista ee labada dhinac ay kala haystaan.
Xubnaha guddiga cusub ayaa kala ah:
-
Mudane Saleebaan Cabdi Ducaale – Guddoomiye
-
Mudane Cabdalle Aadan Cabdi – Guddoomiye ku xigeen
-
Mudane Cabdi Sahal Maxamed Jaamac – Xoghayn
-
Mudane Cabdikariin Xasan Jaamac – Xubin
-
Mudane Jaamac Xasan Ibraahim – Xubin
-
Mudane Maxamuud Mire Kalce – Xubin
-
Mudane Cabdalle Axmed Maxamed – Xubin
Wareegtada magacaabista ma aysan carrabaabin waajibaadka faahfaahsan ee guddigaan, balse xogaha ay heshay Puntland Online ayaa muujinaya in xubnahan ay dhowaan bilaabi doonaan kulamo hordhac ah oo ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland, si loo dejiyo hannaan rasmi ah oo lagu kala sii daayo maxaabiista.
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa ku tilmaamay magacaabista guddigaan mid ka tarjumaysa doonista dowladdiisa ee ku aaddan xasillinta gobolka, dib-u-dhiska xiriirka derisnimo iyo xoojinta wada-hadalka nabadeed.
Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay xubnaha guddiga inay xilka u gutaan si daacad ah, kuna saleeyaan hawlahooda ilaalinta maslaxadda guud ee shacabka iyo nabadda gobolka. “Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu idiin fududeeyo masuuliyadda culus ee la idiin igmaday, idinkoo noqda kuwo danta guud ka hormariya danaha shakhsiga,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.
Warar kale oo uu helay Wargeyska Puntland ayaa sheegaya in tallaabadan ay timid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqashadi lafillayey ee Laascaanood ku xujeeyey baahida loo qabo sii daynta maxaabiista. Arrintan ayaa cadaadis siyaasadeed saartay maamulka Waqooyi Bari si uu u qaado tallaabooyin dhab ah oo ku aaddan nabad-dhis iyo wadahadal rasmi ah.
Magacaabista guddigan cusub ayaa loo arkaa mid ka mid ah isku dayo dhowr ah oo lagu doonayo in dib loo bilaabo wadahadalada u dhexeeya dhinacyada Waqooyi iyo Somaliland. Qodobka maxaabiista ayaa muddo dheer ahaa mid khilaaf keena, balse tallaabadan waxaa lagu tilmaamay fursad cusub oo lagu dhisi karo kalsooni siyaasadeed iyo xiriir wanaagsan oo derisnimo.
Sidoo kale, ilo siyaasadeed oo ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa sheegaya in guddigaan uu xiriir dhow la yeelan doono wasaaradda arrimaha gudaha iyo xafiiska nabadda ee dowladda federaalka, si loo helo taageero farsamo iyo mid siyaasadeed oo fududeyn karta wada-xaajoodyada mustaqbalka.

