Puntland Oo Ka Hadashay Duqeyn Lagu Dilay Dad Rayid Ah
(Puntland Online) Qandala, Bari Fiidnimadii 25tii janaayo 2025 deegaanka Sixna ee hoos taga degmada Qandala ayaa waxaa ka dhacdey duqeyn cirka ah oo lala beegsaday qoys reer miyi ah, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Guddoomiyaha Qandala, Axmed Yuusuf Maxamed Khuurshe, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dhacdadan, isagoo xaqiijiyay khasaaraha ka dhashey, isla markaana fariin u diray shacabka deegaanka.
Guddoomiye Khuurshe ayaa sheegay in weerarka uu galaaftay nolasha afar qof halka lix kalena ay ku dhaawacmeen. Wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay duqeynta, isagoo Alle uga baryay naxariis intii ku dhimatay iyo bogsiimo inta dhaawacantey.
“Waxaan halkaan uga tacsiyeynaynaa qoysaskii dhibaatadu ka soo gaartay duqeyntii xalay. Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar qof iyo dhaawaca lix kale. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u naxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu bogsiiyo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Qandala.
Guddoomiyaha Qandala ayaa sidoo kale farriin u diray dadka ku nool deegaannada ku teedsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Argagixisada Daacish
Wuxuu ugu baaqay inay isaga fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha xagjirka ah, si ay uga badbaadaan waxyeellada ka dhalan karta duqeymaha iyo dagaallada socda.
“Waxaan mar walba ku celcelineynaa in dadka reer Qandala ee jooga meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada xagjirka ah ay ka fogaadaan. Waa in ay u soo guuraan tuulooyinka iyo deegaannada ay dowladdu maamusho, si loo yareeyo khasaaraha shacabka soo gaaraya,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Yaa Ka Dambeeyay Duqeynta?
Inkasta oo Guddoomiye Khuurshe uusan si toos ah u sheegin cidda fulisay duqeynta, haddana wuxuu tilmaamay in howlgallo milateri ay ka socdaan deegaannada lagu tuhmayo inay saldhig u yihiin kooxda Daacish.eyna jiraan saxiibo ka tageeraya duqeymaha xagga cirka ah.
Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari, haatana ah Senator ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdisamed Abwaan, ayaa uga digay siyaasiyiinta iyo warbaahinta inay dhacdadan u adeegsan dano siyaasadeed.
“Yaan la isku dayin in siyaasad laga raadiyo dadkii shacabka ahaa ee xalay duqeynta lagu dilay. Mas’uuliyadda difaacidda iyo raadinta xuquuqdooda waxa ay saaran tahay dowladda,” ayuu yiri Senator Cabdisamed Abwaan.
Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Amniga Puntland, haatana ah Lataliyaha Arrimaha Federaalka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Abdisamad Yuusuf Gallan, ayaa si adag uga hadlay duqeynta, isagoo dalbaday in lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay weerarkaasi.
“Ciddii duqeynta gaysatay waa in lala xisaabtamaa, magdhowna ay bixisaa, maadaama ay baal marsan tahay xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shacabka,” ayuu yiri Abdisamad Yuusuf Gallan.