Ciidanka Difaaca Puntland oo Dilay Xubno Ka Tirsan Daacish
Calmiskaad Bari Puntland – Ciidamada Difaaca Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda argagixisada Daacish ka sameeyey deegaanka Casaasa, waqooyiga Dhaban-qooxle ilaa dusha sare ee Togga Baalade’e, halkaas oo ay ku dileen xubno katirsanaa kooxdaasi oo dhammaantood ahaa ajaaniib.
Ciidamada ayaa howlgallka si gaar ah uga fuliyay degaanada Isha Bilcil, Isha Daltoonle, iyo qeybo kamid ah buuraha ku teedsan togga balaadhan ee Jaceel, halkaas oo wajigii labaad ee howlgalka Hilaac ciidamada Puntland ku wiiqeen awoodda argagixisada Daacish.
Ciidanka Puntland ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan kamid ah firxadka Daacish lagu dilay weerarkan, kaas oo qeyb ka ah wejiga saddexaad ee howlgalka ciribtirka argagixisada, kaasoo la bilaabay 28-kii February 2025. Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in hawlgalladu sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro argagixisada Puntland oo dhan.
Sidoo kale ciidamada Puntland ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Xabley ee buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo uu iska horimaad ku dhex marey dagaalyahanno ka tirsan Daacish. Sida wararku sheegayaan, dagaalkaas ayay ciidamadu ku dileen dhammaan xubnihii ka tirsanaa Daacish, halka ciidamada dhankooda ay ku waayeen laba askari, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Howlgalkan ayaa daba socda howlgal ay ciidamada Puntland shaley (1 Maarso 2025) kula wareegay Buqo Caleed, oo ku taalla buuraleyda ku teedsan magaalada Dasaan, halkaas oo dhowaan laga saaray Daacish. Buqo Caleed ayaa ahayd xaruntii shirarka kooxda argagixisada Daacish, waxaana ciidamadu qabsadeen iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah.