Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Share this Post

Muqdisho – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo hore uga tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar ee CXDS, kuwaas oo lagu helay dambiyo culus oo la xiriira ka mid noqoshada kooxda Argagixisada Al-Shabaab iyo dilka saraakiil ciidan.

Maxkamaddu waxay horey  dil ugu xukuntay Ex-Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex-Dable Aadan Isaaq Yarow, oo loo yaqaanay Salaad Koofi, kaddib markii la cadeeyay in ay si toos ah uga qayb qaateen dilka Abaanduulihii Ururka 83-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee Ex-Dhamme Ceydiid Maxamed Cali.

Dilka marxuumka ayaa dhacay ka dib markii ay miino ku xireen sariirta uu ku seexanayay, taas oo ku qaraxday xilli uu marxuumku ku sugnaa gurigiisa . Xogta baaritaanka ayaa muujisay in falkaas uu ahaa mid qorsheysan oo qayb ka ah hawlgallada Argagixisada Al-Shabaab ee ka dhanka ah saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda.


Share this Post