Warbixin: Ajaaniib Katirsan Daacish oo Lagu Qabtay Boosaaso
Ciidamada amaanka Puntland ayaa hawlgallo qorshaysan ka bilaabey inta badan magaalooyinka waawayn ee Puntland gaar ahaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgalka ayaa ah mid lagu baadi-goobayo shaqsiyaad iyo xubno la aamin san yahay iney xiriir laleeyihiin ururka argagixisada Daacish, kuwaas oo la sheegay in ay abaabulayaan falal amniga liddi ku ah.
Hawlgallka oo kasocda magaalooyinka Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso iyo degaanada ku teedsan, ayaa lagu soo qabtay in ka badan 10 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaana qaar ka mid dadkaas lasoo qabtey ay qirteen in ay xiriir la leeyihiin ururka argagixisada Daacish, halka kuwo kale wali baaritaan ku socdo, sida ay ku warameen laamaha amaanka Puntland.
Sidoo kale, xubno katirsan ururka argagixisada Daacish oo horey laamaha amnigu usoo qabteen ayaa bixiyey xog muhiim ah oo ku saabsan qorshayaasha uruka Daacish iyo dhagaraha ay u maleegayaan shacabka Puntland.
Dowladda Puntland waxay sheegtey in hawlgalladan ay sii socon doonaan, si loo soo qabto dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha xiriirka laleh uruka argagixisada Daacish, gaar ahaan xubnaha uga howlgala magaalooyinka iyo dadka argagixisada bulshada dhexdeeda uga ururiya lacagaha.
Dhinaca kale, shaley oo aheyd 13 febraayo ayey laamaha amniga ee magaalada Boosaaso soo qabteen nin u dhashay dalka Morocco, kaas oo la sheegay in uu ka yimid dhanka buuraleyda Cal-miskaad, oo u kasocdo dagaalka Puntland ay kula jirto ururka Daacish, ninkaan ayaa doonayey inuu gudaha ugu galo magaalada Boosaaso. Ciidamada amniga ayaa sheegay in arrintan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo amniga gudaha iyo ka hortagga falalka argagixisada, iyagoo ugu baaqey shacabka iney kusoo wargeliyaan lamaaha amaanka cid kasta amniga halis ku ah.
Puntland ayaa bishii December ee 2024 ku dhawaaqday howlgal wayn oo ka dhan ah argagixisada Daacish, iyadoo sheegtay in tan iyo xilligaas howlgalka lagu diley maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badannaa ajaanib.Sidoo kale intii uu socdey howlgalku waxaa isasoo dhiibey xubno badan oo katirsan uruka Daacish kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.