Madaxwayne Xasan Shiikh Iyo qaybo ka mid ah siyaasiyiinta ku matela goleyaasha dawladda Federalka maxaa kala raacay?
Madaxwayne Xasan Shiikh waxa uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta Soomaalida in uu yahay nin aan la gabban waxa uu aaminsan yahay. Isagoo ku dheggan mabaadii’diisa, Xasan Shiikh waxa uu ka biyo diiday qodobo dhowr ah oo ula tageen xildhibaanno, senataro, iyo wasiirro ka soo jeeda beesha Daarood.
Xubnahaas baarlamaanka iyo wasiirrada ayaa la kulmay madaxweynaha iyaga oo soo bandhigay saddex arrimood oo kala ah:
1. Doonistooda RW ku-xigeen: Beesha Daarood waxa ay codsadeen in booska RW ku-xigeen loo magacaabo qof ay iyagu soo jeediyeen. Laakiin, Xasan Shiikh wuxuu caddeeyay in booskaas hore loogu ballanqaaday beesha Digil & Mirifle, oo dhawaan la magacaabi doono.
2. Dhulal looga haysto Muqdisho: Madaxweynaha wuxuu sheegay in arrimaha dhulka iyo qadiyadaha la xiriira lagu xallinayo maxkamadaha iyo hay’adaha garsoorka dalka.
3. Qoondeynta & aqoonsiga maamulka SSC-Khaatumo: Xasan Shiikh wuxuu tilmaamay in maamulka SSC-Khaatumo looga baahan yahay inay keenaan gobol iyo bar dhammeystiran, si la mid ah sidii loo sameeyay maamulka Galmudug. Labada senataro ee ka soo jeeda Sanaag iyo Sool ayaa ka shaqeyn doona arrintan.
Madaxwayne Xasan Shiikh waxa uu shirkii u baddelay inuu darsi ku saabsan habka dawladnimadu u shaqeyso uu baro xubnihii beesha Daarood. Qaarkood ayaa ka argagaxay jawaabaha tooska ah ee madaxweynaha, iyaga oo isla caawa bilaabay inay iclaamiyaan shirar berri ay doonayaan in lagu qabto Muqdisho.