Midowga Afrika oo Ugu Hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed Doorashooyinka golaha Deegaanka ee Muqdisho

Share this Post

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed kadib doorashooyinkii golaha deegaanka ee ka dhacay Muqdisho 25-ka December, 2025, isagoo ku ammaanay hab-dhaqanka nabadeed iyo nidaamka ay doorashadu ku qabsoontay. Qabsoomidda doorashooyinkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo bilow u ah dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska dalka oo dhan.

Guddoomiyaha AUC ayaa xusay in doorashooyinka heer degmo ay gacan ka geystaan xoojinta maamul-wadaagga iyo ka-qaybgalka dadweynaha, sidoo kalena ay bixiyaan khibrad muhiim ah oo kor loogu qaadayo hanaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka ee ay Soomaaliya wado.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku booriyay dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay sii wadaan wadahadalka iyo la-tashiyada ka qayb qaadanaya midnimada qaran iyo xasilloonida muddo-dheer.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa mar kale ku adkeeyay sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay la shaqeynta shacabka Soomaaliyeed si loo xoojiyo maamul hufan oo dhameystiran, loona hormariyo nabad iyo xasillooni waarta.


Share this Post