Puntland oo Masaafurisay Boqolaal Itoobiyaan ah

Share this Post

(Puntland Online)  Garoowe, Puntland – Laamaha amniga ee gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garoowe ka masaafuriyay boqolaal qof oo kasoo jeeda qowmiyadaha Itoobiya gaar ahaan Oromada, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah ku joogeen magaalada. Dadkan oo laga soo ururiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Garowe ayaa lagu qaaday gaadiid nooca candha-meydlaha ah, waxaana qorshuhu yahay in lagu daadiyo xuduudda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Muuqaallo iyo warbixino lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shacab careysan oo dhibaateynaya dadka Itoobiyanka ah, kuwaas oo hantidooda boobaya, halka kuwo kale la jirdilayo. Arrintani waxay dhalisay su’aalna gelisey sharciyadda iyo tallaabada Puntland ay qaadey, marka  laga hadlayo waafaqsanaanta tallaabadan ee xeerarka caalamiga ah, Dastuurka Puntland, Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyo sharciga Islaamka.

Eedeynta Puntland

Puntland ayaa ku eedeysay dadka ajaaniibta ah ee kusugan degaanka  inay ka qeybqaateen falal amniga lid ku ah, iyadoo la sheegay inay u safraan buuraleyda gobolka Bari gaar ahaan Camadow iyo Calmiskaad, halkaas oo kooxaha xagjirka ah ee Daacish iyo AL shabaab ay ku dhuumaaleystaan. Xukuumadda Puntland ayaa dhawaan shaacisey in 95% dagaalyahanada Daacish ee ku sugan deegaanadeeda ay ka soo jeedaan dalal shisheeye.

Gunaanad

Tallaabada Puntland ee masaafurinta dadka Itoobiyaanka ah, iyadoo aan la marin nidaam sharci ah, waxay khatar gelinaysaa xuquuqda muhaajiriinta, waxayna dhaawici kartaa xiriirka iyo sumcada Puntland ee hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha qaxootiga.


Share this Post