Israa’iil iyo Iiraan oo ku heshiiyay xabbad-joojin kadib dagaal12 maalmood socdey

Share this Post

(Puntland Online) Dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Iraan ayaa maanta si rasmi ah loo joojiyey, kaddib markii labada dhinac ay aqbaleen xabbad-joojin lagu gaarey dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hormuud ka ahayeen dalalka Qatar iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu aqbalay dalab uga yimi Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo ku aaddanaa joojinta colaadda, isaga oo ku faaney in dhammaan ujeeddooyinkii milatari ee dalkiisu dagaalka u galey la gaarey.

Saaka waaberigii hore, kahor waqtiga xabad joojinta gantaalo ay Iiraan ku weerartey gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada Beersheba, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan afar qof iyo dhaawaca 30 kale, iyadoo dhanka kale Israa’iil ay fulisay duqeymo hawada ah oo ay ku bartilmaameedsatey xarumo istiraatiiji ah oo Iraan leedahay.

Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku soo bandhigay qoraal uu ku sheegay in heshiiskan uu yahay go’aan geesinimo leh oo labada dal ay wada gaareen, isla markaana lagu soo afjaray waxa uu ugu yeeray “dagaalkii 12ka maalmood” Waxa uu xusay in heshiiskaan uu yahay tallaabo muhiim u ah nabadda Bariga dhexe iyo in laga hortegey fiditaanka colaad baahsan.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in heshiis rasmi ah uusan weli jirin, balse ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan weerarrada haddii Israa’iil ay ka tanaasusho waxa ay ku tilmaamtay “gardarrada joogtada ah.

Subaxnimadii saaka ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay si xor ah gacanta ugu hayaan hawada Tehraan, isla markaana ay weeraradii ugu danbeeyey ku burburiyeen xarumo muhiim ah oo laheyd dowladda Iiraan, iyagoo sheegay in meesha laga saarey halistii barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada baalastikada ah ee Iiraan.

Dhinaca kale siyaasadda gudaha Israa’iil ayaa durba laga dareemayaa kala qeybsanaan xooggan. Xildhibaan Dan Illouz oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Likud Party ayaa si adag uga soo horjeestay heshiiska xabbad-joojinta ah, isaga oo ku baaqay in Israa’iil ay ka fogaato wax heshiis ah oo lala galo “maamulka Iraan,” wuxuuna ku adkeystay in xalka keliya uu yahay in “Iraan la jebiyo” si loo sugo ammaanka Israa’iil.

Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, Madaxweyne Trump ayaa si toos ah ula hadlay Netanyahu, ka dibna wacay amiirka Qatar si uu uga dhaadhiciyo dhinaca Iiraan in la joojiyo dagaalka. Sidoo kale, saraakiil sar sare oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo Wakiilka Gaarka ah ee Bariga Dhexe Steve Witkoff ayaa door muuqda ka qaatay wadahadallada, iyagoo si toos iyo si dadbanba ula xiriiray dhinaca Tehran.

Inkastoo xabbad-joojintu ay dhaqan gashay, haddana su’aasha la iska waydiinayo waa haddii heshiiskan uu noqon doono mid waara, maadaama kalsoonida labada dhinac ee midba midka kale ku qabo ay weli liidato, isla markaana uu jiro cadaadis siyaasadeed oo gudaha Israa’iil iyo Iraan ah oo ku aaddan sii wadidda dagaalka.

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iraan oo muddo dheer ahaa mid ku kooban weeraro afka ah iyo dagaal wakaaladeed, ayaa markii ugu horeysay isku rogay dagaal toos ah, kaas oo horseeday in Bariga dhexe uu mar kale galo xaalad dagaal oo halis ah. Xabbad-joojintan hadda la gaaray ayaa loo arkaa fursad nabadeed, hase yeeshee, haddana waxay u muuqataa mid kumeel gaar ah oo aan sal adag ku taagneyn, iyadoo weli la sugayo tallaabooyinka siyaasadeed ee labada dhinac.

Falanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe ayaa qaba in haddii aan xal siyaasadeed oo waara la gaarin, xaaladda ay mar kale isu rogi karto mid dagaal.


Share this Post