Nairobi oo Martigelinaysa Wadahadallo Siyaasadeed oo ay Isugu imaanayaan Mucaaradka iyo madaxda Maamullada
Magaalada Nairobi waxaa lagu qabanayaa kulamo siyaasadeed oo ay iskugu imanayaan xubno ka tirsan Madasha Mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Xogaha la helayo waxay sheegayaan in Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, uu galabta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen xubno ka tirsan Madasha Mucaaradka. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xubno kale oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay maalinamada berri u socdaalaan Nairobi.
Kulamada Nairobi waxaa lagu lafa guri doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka. Dhinaca kale dowladda Kenya iyo dalal kale oo saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa door ku leh diyaargarowga kulankan. Nairobi ayaa loo doortay in lagu qabto shirkan maadaama uu muran ka taagan yahay shirka Kismaayo, gaar ahaan doodaha ka dhex jira xubnaha qaarkood ee Madasha Mucaaradka.

