Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho

Share this Post

Muqdisho, 28 May 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u magacaabay Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, kaddib soo-jeedin kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta.

Dr. Muungaab ayaa horey u soo qabtay xilkan sannadkii 2014, waxaana magacaabistiisa lagu saleeyay khibradda uu u leeyahay shaqada maamulka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta laga sugayo gudoomiyaha cusub ay tahay xoojinta adeegyada bulshada, bilicda magaalada, wada-shaqeynta laamaha amniga, iyo isdhexgalka bulshad


Share this Post