Caddaalad La’aan iyo Dulmi: Warbixin Ku Saabsan Xaalada Xabsiyada Puntland
Warbixin cusub oo ka soo baxday Puntland ayaa muujineysa xaalad ka baxsan xeerarka sharciga iyo xuquuqul insaanka oo ka jirta xabsiyada Puntland, gaar ahaan saldhigga dhexe ee Garoowe. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa ka hadlay arrintan, isagoo sheegay in 153 qof ay si sharci darro ah ugu xiran yihiin saldhiggaasi, iyagoo aan lagu soo qaban warqad maxkamadeed ama sifo kale oo sharci ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qofka ugu muddada dheer ee xabsiyadaas ku xiran uu kujiro muddo 9 bilood ah, iyada oo aan la ogeyn sababta rasmiga ee uu u xiran yahay. Dadkani waxay ku sugan yihiin xaalad sharci darro ah, iyadoo aysan jirin eedeyn rasmi ah oo loo heysto.
Wasiirka Caddaaladda ayaa sidoo kale sheegay in ay wax ka waydiiyeen sababta lagu hesto dadkaas, waaxda dambi baarista, laakiin aysan wax jawaab ah ka helin, isla markaana ay kala carareen. “Waxaan u yeernay waaxda Dambi-baarista (C.I.D) oo waxaan weydiinay sababta dadkaasi loo hayo, laakiin way kala carareen,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab. Arrintani ayuu wasiirku ku tilmaamay mid ka baxsan nidaamka sharciga ee Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay xitaa in uu ka cabsaday in mas’uuliyiinta dowladda “Adduunka lagu cadaabo” kaddib markii uu arkay caddaalad-darrada iyo dulmiga ka jira saldhigyada Booliska Puntland.
Hadalka wasiirka ayaa sare u qaaday su’aalaha laga qabo hannaanka caddaaladda ee Puntland iyo sida maamulka ugu fashilmey garsoorka iyo ilaalinta xuquuqda bulshada ku hoos nool.