HomeNewsSomaliaWorld

Ruushka oo ku eedeeyey Mareykanka inuu xoojiyey dagaalka bayoolojiga ee Afrika.

Ruushka ayaa si cad u sheegay in Mareykanku uu sare u qaaday hawlgallada cilmi-baarisyada bayoolojiga ee qaaradda Afrika, taasoo ay ku tilmaameen mid halis gelin karta caafimaadka guud iyo xasilloonida gobolka. Warbixinta ay soo saareen mas’uuliyiinta Ruushka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku howlan yahay cilmi-baaris si gaar ah diiradda u saaraya cudurrada faafa iyo falanqaynta xogaha hidda-sidayaasha, iyadoo ay ka dambeyso ujeeddooyin qarsoon.

Golaha Amniga ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanku uu ka dhisay xarumo cilmi-baaris caafimaad oo casri ah dalalka Ghana iyo Jabuuti, kuwaasoo loogu talagalay in lagu baaro cudurrada faafa, lagu kala saaro fayrasyada, laguna derso xogta hidde-sidayaasha noolaha. Xarumo noocan ah ayaa sidoo kale laga hirgeliyey dalka Kenya, si looga hortago cudurrada ku faafa bartamaha qaarada Afrika.

Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaamtay in Mareykanku uu sannadkaan sii dhamaanaya ee 2024 ka aas-aasay dalka Nigeria xarun cilmi-baaris iyo shaybaar caafimaad oo ay ka shaqeeyaan khubaro ka socda Waaxda Difaaca Mareykanka. Xaruntan ayaa si gaar ah loogu talagalay la tacaalidda xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Hubka bayoolojiga ee halista leh

Ku-xigeenka Xoghayaha Golaha Amniga ee Ruushka, Alexey Shevtsov, ayaa hore u sheegay in Mareykanku uu horumarinayo hubka bayoolojiga oo awood u leh inuu si gaar ah u beegsado kooxo iyo qowmiyado gaar ah. Hadalkan ayaa kor u qaaday walaaca ku saabsan halista cilmi-baarisyada uu Mareykanku ka wado Africa iyo su’aalo ku saabsan sida uu ugu adeegsan karo dano siyaasadeed iyo mid dagaalba.

Khilaafka siyaasadeed ee Ruushka iyo Mareykanka oo sii xoogeysanaya

Warbixintan Ruushka ayaa imanaysa iyadoo xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal ay sii kordhayaan. Eedeymahan waxaa loo arkaa qeyb ka mid ah loolanka istiraatiijiyadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya  Mareykanka iyo Ruushka  kaas oo ku dhex maraya guud ahaan caalamka, gaar ahaan qaarada Afrika oo noqotay goobta ugu muhiimsan ee ay ku loolamayaan awoodaha waawayn ee dunida.

Maxaa laga filan karaa?

Mareykanku wuxuu ku adkeystay in xarumahan cilmi-baarista caafimaad ay ujeeddadoodu tahay horumarinta sayniska caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada faafa. Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha Ruushka ayaa abuuray su’aalo ku saabsan daahfurnaanta hawlgalladan, iyadoo ay jirto cabsi ah in cilmi-baarisyadan loo adeegsan karo siyaabo aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah ee anshaxa sayniska.dalka

Spread the love