Puntland iyo Madasha Samatabixinta Oo Nairobi Ku Gaarey Is-Afgarad Siyaasadeed

Share this Post

Warar ay heshay Puntland Online ayaa xaqiijinaya in guddiyo farsamo oo ka kala socda dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale Madasha Samatabixinta Qaranka, ay ku yeesheen magaalada Nairobi shirar muhiim ah oo la xiriira dhismaha golaha cusub ee mucaaradka.

Kulamadan oo socday maalmihii lasoo dhaafay ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka golaha cusub, cidda hoggaamin doonta, iyo doorka siyaasadeed ee golahaas uu ka ciyaari doono xilligan adag ee uu dalka marayo. Wada-hadallada ayaa lagu tilmaamay kuwo guul kusoo dhamaaday, iyadoo dhinacyadu ay muujiyeen diyaar garow iyo wada-shaqeyn dhab ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Puntland Online u sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in madasha rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono golaha cusub lagu qabto magaalada Kismaayo, taas oo noqon doonta kulanka kama dambaysta ah ee lagu soo afjarayo qorshahan siyaasadeed ee muhiimka ah.

Shirka lagu qaban doono Kismaayo ayaa la filayaa in uu diiradda saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka soo socda, iyo sidii loo mideyn lahaa mowqifyada siyaasadeed ee maamul-goboleedyada iyo mucaaradka. Ujeeddada guud ee kulanka ayaa ah in la dhiso aragti mideysan oo siyaasadeed oo horseedda xasillooni iyo isfaham guud.

Wararka ay heshay Puntland Online ayaa intaas ku daraya in toddobaadyada soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono waqtiga iyo ajandaha kulanka Kismaayo. Kulankan ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara jihada siyaasadda Soomaaliya, isagoo astaan u noqon kara bilow cusub oo wada-tashi siyaasadeed ah.


Share this Post