Israel iyo Turkiga oo Dagaal Qarka u Saaran: Maxay Tahay Sababtu?
Guddiga difaaca ee Israel ayaa soo saaray warbixin cusub oo ay kaga digayaan halista uu Turkiga ku yeelan karo gobolka, gaar ahaan gudaha Suuriya. Warbixinta ayaa tilmaantay in Turkiga uu noqon karo khatar ka weyn tan Iiraan, haddii uu taageero kooxaha xagjiriinta ah ee diidan jiritaanka Israel.
Warbixintaan, oo ay diyaariyeen “Guddiga Qiimeynta Miisaaniyadda Difaaca iyo Awoodaha ee Israel,” ayaa lagu sheegay in Turkiga uu si weyn uga faa’iidaystay burburkii maamulka Bashar al-Assad, oo dhacay kaddib weerarro ay hogaaminayeen xoogag mucaarad ah sida Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) iyo kooxo kale oo uu Turkigu taageero.
Turkiga oo Taageeraya Dowladda Kumeelgaarka ah ee Suuriya
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si cad u ballanqaaday in dowladdiisu ay siin doonto taageero dhan walba ah, oo ay ku jiraan mid milateri iyo amni, si loo xoojiyo dowladda cusub ee kumeelgaarka ah ee laga hirgeliyay Suuriya. Dowladdan cusub waxaa hogaaminaya Axmed al-Sharaa, oo loo yaqaan magaca Abu Mohammed al-Jolani.
Guddigaan, oo loo yaqaan “Guddiga Nagel,” ayaa xusay in taageerada milateri ee uu Turkiga siinayo dowladda cusub ay noqon karto mid abuuri karta awood Sunni ah oo diidan jiritaanka Israel, taas oo khatar gelin karta ammaanka gobolka.
Warbixinta ayaa si gaar ah u tilmaantay in xoogaggani ay xiriir la lahaayeen ururo xagjiriin ah sida Al-Qaacida, taas oo ka dhigaysa kuwa khatar weyn ku ah Israel. Waxay sidoo kale sheegeen in halistan cusub ay noqon karto mid ka khatar badan tan Iiraan, oo muddo dheer ay Israel ku haysay xakame.
“Xoogaggani waa kuwo hadda ku yimid awood siyaasadeed maadaama ay gacanta ku hayaan maamulka Suuriya, taasoo ka dhigaysa halis ka weyn tan Iiraan,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Turkiga iyo Hammiga Soo Celinta Saameyntii Cusmaaniyiinta
Guddiga Nagel ayaa sheegay in taageerada Turkiga ee Suuriya ay qeyb ka tahay hammiga Madaxweyne Erdogan ee ah in uu dib u soo celiyo saameyntii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Warbixinta ayaa sheegtay in haddii awooddan cusub ee Suuriya ay noqoto mid uu si buuxda u maamulo Turkiga, ay taasi sababi karto isku dhac toos ah oo u dhexeeya Israel iyo Turkiga.
Weerarrada Israel ee Ka Dhanka ah Suuriya
Tan iyo markii maamulka Bashar al-Assad uu dhacay, Israel waxay bilowday weerarro cirka ah oo ay ku beegsanayso xarumaha milateri ee Suuriya. Bartilmaameedyadan waxaa ka mid ah xarumaha cilmi-baarista, hubka, iyo saldhigyo kale oo muhiim ah.
Guddigu wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Turkiga ama kooxaha wakiillada u ah Turkiga ee Suuriya ay si xowli ah u kordhin karto awoodda milateri ee Suuriya, taasoo si weyn halis u gelin karta amniga Israel.
Digniinta iyo Tallaabooyinka Loo Baahan Yahay
Guddiga ayaa ku boorriyey Israel in ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo isugu jira ka-hortag iyo weerarro, si loo yareeyo khataraha ka iman kara xuduudaha Suuriya. Waxaa sidoo kale ay ku taliyeen in Israel ay sii xoojiso qorsheyaasheeda difaaca si ay uga hortagto halisaha cusub ee kusoo wajahan.
Gabagabo
Guddiga ayaa ku soo gabagabeeyay warbixintiisa in xaaladda juquraafiyeed iyo tan siyaasadeed ee gobolka ay kasii dareyso, taasoo sare u qaadi karta khilaafka u dhexeeya Israel iyo dalalka deriska ah sida Turkiga iyo Masar.Iyagoo ugu baaqay Israel in ay qaadato istiraatiijiyad adag oo lagula tacaalayo khataraha mustaqbalka, gaar ahaan kuwa kasoo fool leh dhulka Suuriya