Sirdoonka Puntland Oo Kaashanaya Mareykanka ayaa Qabtay Hoggaamiye Sare oo ka Tirsan Daacish

Share this Post

(Puntland Online) Ciidamada difaaca Puntland oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa qabtay Abdiweli Maxamed Aw Yuusuf, oo loo yaqaan Abdiweli Walalac, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Laag oo ka tirsan degmada Xumbeys ee gobolka Bari, 25 Luulyo 2025.

Abdiweli Walalac wuxuu muddo dheer ka mid ahaa hoggaanka sare ee kooxda ISIS–Somalia. Waxaa la rumeysan yahay inuu ahaa madaxii dhaqaalaha ee kooxda Daacish, isagoo sidoo kale mas’uul ka ahaa xiriirka caalamiga ah, ururinta lacagaha sharci darrada ah, iyo sahayda loo gudbiyo dagaalyahanada Daacish ee Soomaaliya iyo meelo kale oo katirsan qaaradda Afrika.

Tan iyo 2019, Abdiweli waxaa lala xiriirinayay in uu maamulayay shabakad dhaqaale oo ballaaran oo kooxda u suuragelineysay in ay hesho hub, agab, iyo taageero farsamo. Waxaa lagu eedeeyay in uu si toos ah u adeegsaday xawaaladaha dhaqaalaha iyo hababka lacag dirista, mobile money-ga, si uu lacagaha ugu kala qaybiyo xubnaha ISIS ee ku kala sugan Soomaaliya, Mozambique, Libya, iyo wadamo kale.

Sanadkii hore, 27-kii Luulyo 2023, Xafiiska Maaliyadda dibadda Mareykanka (OFAC) ayaa Abdiweli Walalac ku daray liiska cunaqabateynta, Mareykanka ayaa ku eedeeyay Abdiwali inuu si firfircoon u maamuli jiray shabakad dhaqaale oo kooxda ISIS u suuragelin jirtay inay maalgelin ka hesho gudaha iyo dibedda Soomaaliya.

OFAC waxay sheegtay in Abdiweli uu mas’uul ka ahaa ururinta iyo kala qaybinta lacagaha, diyaarinta sahayda, iyo fududeynta taageerada ay kooxdu ka heli jirtay meelaha fogfog sida Mozambique iyo waqooyiga Afrika.

Cunaqabateynta OFAC waxay mamnuucday in ganacsiyo lala sameeyo Abdiweli, iyadoo la xannibay hantidiisa ku jirta gudaha Mareykanka iyo meel kasta oo ay Mareykanku awood ku leeyihiin.  Dhinaca kale sida ay ogaatay Puntland Online, Abdiweli Walalac ayaa lagu xirey markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka,

Howlgalka lagu qabtay Abdiweli waxaa hormuud ka ahaa saraakiil Mareykan ah oo Puntland ka taageera la dagaalanka kooxaha xagjirka ah. War ka soo baxay taliska ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in qabashada Abdiweli ay ahayd bartilmaameed muddo dheer lagu raad-joogay, isla markaana ay tahay guul weyn oo laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda ISIS.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ay marayaan meel gebogebo ah, ayna socdaan raadinta xubnaha ka cararay dagaalladii dhawaan ka dhacay halkaas. Qabashada Abdiweli waxay qayb ka tahay dadaallada lagu burburinayo nidaamka maaliyadeed iyo xiriirada kooxda ee gudaha Soomaaliya.

Abdiweli oo lagu yaqaanay magacyo dhowr ah sida “Walalac”, “Ina-Waran” iyo “AW-Mahmud” ayaa ahaa shaqsiga keliya ee kooxda ISIS u qaabilsanaa lacagaha iyo xiriirka ajaanibta. Sida ay sheegayaan ilo amni, Abdiweli wuxuu xiriir la lahaa kooxo kale oo ka howlgala dalalka deriska ah sida Mozambique iyo Libya.  Sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, cid kasta oo si dadban ama si toos ah ula macaamisha Abdiweli waxay wajihi doontaa cunaqabateyn sharci ah.

Qabashada Abdiweli Walalac ayaa loo arkaa dhirbaaxo weyn oo ku dhacdey  kooxda Daacishta -Somalia  qabashada Walalac waxay si weyn u wiiqi doontaa awooddii dhaqaale ee kooxda Daacish, taas oo daciifin doonta sahayda iyo taageeradii ay ka helayeen gudaha iyo dibadda Soomaliya.

Sidoo kale qabashada Walalac waxay muujineysaa in iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo Mareykanka uu yahay mid miro dhal ah, kana qayb qaadanaya burburinta shabakadaha argagixisada ee gobolka


Share this Post