Gogosha Wadatashiga Villa Somalia: Xal Siyaasadeed Mise Qorshe Qarsoon?

Share this Post

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, balse arrintani waxay dhalisay su’aalo badan oo weli aan jawaabo rasmi ah loo helin.

Inkasta oo wadatashigan lagu sheegay mid lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, haddana falanqeeyayaal badan ayaa u arka in uu yahay go’aan uu keeney cadaadis isa soo tarayay oo kaga imaanayay mucaaradka iyo beesha caalamka.

Maalmo kahor ku dhawaaqista gogoshan, safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa cadaadis toos ah saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, Iyagoo dalbadey in la furo saaxadda siyaasadda iyo in la abuuro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Waxa kale oo laga dalbanayay inuu wadahadal dhab ah la yeesho madaxda Dowlad Goboleedyada ka maqan wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, sida Puntland iyo Jubbaland.

Xeeldheerayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in aan weli la caddeyn arrimo muhiim ah oo la xiriira wadatashigan.

Dastuurka lagu saleynayo wadahadalka wali lama caddeyn, taasoo keentay su’aalo la xiriira sharciyadda gogoshan iyo hannaanka lagu hagi doono.

Doorashooyinka 2026 iyo kala-guurka siyaasadeed ayaan weli la shaacin habraacyadooda, taasoo abuurtay cabsi ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sidoo kale aan la cayimin cidda hagi doonta wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taasoo dhalisay shaki laga qabo hufnaanta geeddi-socodka.

Istaraatiijiyadda la dagaallanka kooxaha argagixisada ee wadahadalka lagu soo qaadi doono lama caddeyn, iyadoo wali aan la ogeyn sida ay dowladdu u wajihi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Waxaa kale oo la isweydiinayaa yaa ka qaybgalaya gogoshan? Ma madax hore iyo siyaasiyiin xilal soo qabtay, mise cid kasta oo dareenkeeda muujisa?

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Villa Somalia iyo Qaramada Midoobey ay go’aamin doonaan cidda laga maarmaan u ah gogosha iyo ajandeyaasha la diyaarinayo.

Maadaama aan weli la helin jawaabo cad oo arrimahan la xiriira, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in gogoshan ay u muuqato mid Villa Somalia ku raadineyso waqti dheeri ah, halkii ay noqon lahayd dadaal dhab ah oo lagu gaarayo is-afgarad qaran iyo xal waara oo lagu wajaho caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka taagan


Share this Post