Isra’iil iyo Imaaraadka: Maxuu Ahaa Qorshahooda Fashilmay ee Suuriya?
Ilo amni oo gobolka ah ayaa u sheegay mareegta “Middle East Eye” oo fadhigeedu yahay Ingiriiska in Israa’iil qorshaynaysay in xukunka lagu sii hayo Madaxweynihii hore Bashar Al-Assad iyadoo la hoos keenayo maamul ay gacanta ku hayso Dawaldda Imaaraadka ah oo ka kooban saddex gobol, oo loo kala qaybinayo Suuriya. Ilo wareedku waxay tilmaameen in ujeeddada ugu weyn qorshahaas uu ahaa in Suuriya laga gooyo Iiraan iyo Xisbullah oo la xoojiyo xulafada kale ee gobollada woqooyi bari Suuriya, gaar ahaan kuwa Kurdiyiinta iyo Duruuzta ee koonfurta Suuriya.
Qorshaha Israa’iil wuxuu sidoo kale bartilmaameedsanayay in la dhimo saamaynta Turkiga ee Suuriya, gaar ahaan gobollada Idlib, Galbeedka, iyo Waqooyiga. Waxaa lagu taageerayay kooxaha hubaysan ee mucaaradka, sida kooxda “Hay’adda Xoraynta dhulka Shaam” oo taageero ka helaysa Turkiga.
Sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Yair Lapid, oo hadal jeediyay dhowr bilood ka hor, wuxuu sheegay muhiimadda iskaashiga qowmiyadaha kale sida Kurdiyiinta iyo Duruuzta si loo dhiso xiriirro siyaasadeed oo joogto ah gobolka dhexdiisa.
Warbixinta ayaa sheegtay in qorshahaas uu fashilmay kaddib markii ciidamada taageersan Assad guulo ka gaari waayeen dagaalladii Hama iyo Homs, sidoo kale xulafada mucaaradka oo la wareegay magaalada Aleppo.
Warbixinta “Middle East Eye” waxay sidoo kale sheegtay in Israa’iil ay si gaar ah u bartilmaameedsatay xarumo militari oo Suuriya ku yaalla, gaar ahaan xeebaha Latakia iyo meelaha istaraatiijiga ah ee buuraha Golan.
Dhinaca kale, ilo wareedyo amni ayaa sheegay in saraakiisha Imaaraadka iyo Urdun ay walaac ka muujiyeen in maamulka Islaamiga ah ee Suuriya uu dhibaato u keenayo xasilloonida gobolka, taas oo keentay shir gaar ah oo lagu falanqeeyay sidii loo maareyn lahaa xaaladda