Puntland oo Wajahaysa Hubanti-la’aan Amni: Ciidankii Daraawiishta oo Furimaha Calmiskaad Isaga Soo Baxay

Share this Post

​BOOSAASO (Puntland Online)  Xaaladda ammaan iyo tan siyaasadeed ee Puntland ayaa gashay weji cusub oo mugdi ah iyadoo gobolka Bari si weyn looga dareemayo saamaynta ka dhalatay markii inta badan ciidamadii Daraawiishta Puntland ee ka dagaallamayey buuraleyda istiraatiijiga ah ee Calmiskaad ay soo baneeyeen furimihii dagaalka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ciidanku ay waayeen xuquuqdoodii aasaasiga ahayd, sida mushaharkii, saadkii, iyo daryeelkii ay ku lahaayeen maamulka Puntland.

​Bixitaanka ciidanka ee furimaha ayaa loo arkaa fashil ku yimid hoggaanka Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo lagu eedeynayo inuu ku mashquulsan yahay olole doorasho iyo damacyo siyaasadeed oo ka fog baahida ciidanka dagaalka kula jira argagixisada.

Bayaan ay soo saareen Ciidanka Difaaca Almiskaad (ADF) 17-kii Maarso, ayaa daaha ka rogay in maamulku uu gebi ahaanba iska indha-tiray baahiyihii ciidanka, taas oo horseedday in geesiyaashii dalkooda iyo dadkooda difaaca ugu jirey ay dareemaan dayac iyo daryeel xumo baahsan oo aan horay loo arkin.

​Eedeymaha ugu culus ee ADF u jeediyeen Madaxweyne Deni ayaa ah inuu maamulkii Puntland u beddelay nidaam u eg ganacsi gaar ah oo u xiran isaga iyo qoyskiisa.

Ciidanka ADF waxay sheegeen in la lunsaday taakulladii loogu talagalay ciidanka ee laga soo ururiyey dekedaha iyo ganacsatada reer Puntland, iyadoo dhaqaalihii ciidanka lagu bixin lahaa loo weeciyey dhanka laaluushidda xildhibaanno iyo siyaasiyiin si loo fuliyo damaca kursi-doonka ah ee madaxweynaha.

Tani waxay dhabar-jab weyn ku tahay nidaamkii dowladnimo iyo kii amniga ee Puntland lagu yaqaanay. Xaaladda ayaa ka sii dartay ka dib markii maamulku uu caqabad ku noqday gargaarkii dowladda Federaalku ugu talagashay deegaannada Calmiskaad si looga jawaabo baahiyaha caafimaadka, biyaha, iyo dib-u-dejinta bulshada.

ADF waxay muujiyeen walaac xooggan oo ku aaddan in magaca halganka Calmiskaad loo adeegsaday olole siyaasadeed oo lagu baadi-goobayo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya iyo doorashooyin aan xilligoodii la gaarin, halkii xoogga la saari lahaa tayeynta ciidanka iyo ciribtirka kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

ADF waxay ugu baaqeen isimada iyo haldoorka Puntland inay degdeg isugu yimaadaan si loo samatabbixiyo maamulka, iyagoo codsi u diray dowladda Federaalka inay si toos ah ula wareegto mas’uuliyadda difaaca deegaannadaas maadaama hoggaankii Puntland uu gabay waajibaadkiisii.


Share this Post