Madaxweyne Deni oo Dhisay Hay’ad Aqoonsi oo Madaxbannaan.
Boosaaso – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha hay’ad cusub oo dowladdu u xilsaartay diiwaangelinta iyo maamulka aqoonsiga dadweynaha, taas oo magaceeda loo soo gaabiyo PID (Puntland Identification Department).
Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, kuna taariikheysan 9-ka Abriil 2025, ayaa lagu caddeeyay in hay’addan laga hirgelinayo dhammaan deegaannada Puntland, iyadoo noqon doonta hay’adda keliya ee maamulkaasi ku aaminay hawsha aqoonsiga dadweynaha.
Go’aanka Madaxweyne Deni ayaa imanaya xilli uu si cad u diiday in hay’adda Aqoonsiga Qaranka Soomaaliyeed ee NIRA ay ka hawlgasho gudaha Puntland, iyada oo Puntland ka mid yahay dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida la rumeysan yahay diidmada Deni ay salka ku haysa khilaafka siyaasadeed oo u dhexeeya isaga iyo dowladda dhexe, taasoo xilligan u muuqata mid u jeeddo shaqsiyadeed xambaarsan.
Dadka qaar ayaa rumeysan in dhismaha PID
ay qeyb ka yahay qorshe Madaxweyne Deni ku doonayo inuu dhaqaalaha kasoo xerooda PID ku galo doorashada 2026, iyadoo sidoo kale uusan jirin hannaan si cad u qeexaya qaabka hay’addani u maamuli doonto xogta muwaadiniinta.