Warbixin Ku Saabsan Weerarkii Xalay Ay Iiraan Kuqaadey Israa’iil 1-da Oktoobar 2024
Habeenimadii, 1-da Oktoobar 2024, waxa dhacay mid ka mid ah weeraradii ugu cuslaa ee ay Iiraan ku qaaday Israa’iil, iyada oo gantaalo tiro badan ku garaacday magaalooyinka waawayn, iyo saldhigyada millatery ee Israa’iil, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Weerarkan ayaa loo arkaa mid ka jawaabaya dilal ay horey Israa’iil u fulisay, waxaana uu sare u qaaday xiisadda gacan ka hadalka ee labada dal, taas oo markale muujisay xaaladda cakiran ee gobolka Bariga Dhexe.
Weerarka Gantaalada
Iiraan waxay bilawday weerarkan oo lagu magacaabay Hawlgalka Ballanqaadkii Runta 2 (Operation True Promise 2), waxaana la weeraray goobo badan oo muhiim ah oo ku yaalla Israa’iil, gaar ahaan magaalooyinka Tel Aviv iyo Quddus. Israa’iil waxay adeegsatay nidaamkeeda difaaca gantaalada, gaar ahaan Iron Dome, si ay uga hortagto gantaaladaas. Inkastoo la sheegayo in gantaalada qarkood laga hor tegey hadana badankood gantaalaha ayaa ku habsaday goobo ay ku jiraan iskuul ku yaalla Gedera iyo maqaaxi ku taal Tel Aviv, taas oo keentay dhaawaca laba qof sida ay sheegtey Israa’iil. Intaa waxaa sii dheer, nin Falastiini ah ayaa ku dhintay Daanta Galbeed intii lagu guda jiray weerarka.
Sababaha Weerarka
Iiraan waxay weerarkan ku sheegtay inuu ahaa mid ay isku difaacayso, iyada oo ku andacootay in Israa’iil ay bilawday ficillida dhaliyey weerarkan kadib markii ay fulisay dilal ay ka mid yihiin dilkii Ismail Haniyeh, oo ahaa hogaamiyihii siyaasadeed ee uruka Xamaas, iyo Jeneraal Abbas Nilforoushan, oo ahaa sarkaal sare oo Iiraani ah. Dilalkan, oo lagu tuhunsanaa inay ka dambeeyeen sirdoonka Israa’iil, ayaa ka caraysiiyay Tehraan, waxaana loo arkay isku day israai’iil ku dooneysay inay ku wiiqdo saameynta Iiraan ee gobolka. Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa si cad u sheegay in weerarkan uu jawaab u yahay dilalkii ay fulisey Israa’iil, iyaga oo ka digay in Israa’iil ay sii waddo daan daansigeeda lagu kicinayo xiisadaha
Jawaabta Israa’iil
Markii uu dhacay weerarka, madaxda Israa’iil oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si degdeg ah u cambaareeyay Iiraan, waxaana Netanyahu ku tilmaamay weerarka gantaalada ah inuu ahaa “khalad weyn” oo ay sameysay Iiraan. Wuxuu ku hanjabay in Iiraan ay wajihi doonto cawaaqib culus oo xanuun badan haddii aysan joojin weerarrada noocaan ah.
Si kastaba ha ahaatee, jawaabta Israa’iil ayaan lagaraneyn sida ay u ekaan doonto. Waxaa jira cadaadis ka imaanaya beesha caalamka, gaar ahaan Maraykanka, oo ugu baaqaya Israa’iil inay iska ilaaliso inay sii huriso dagaalka. Xukuumadda Israa’iil ayaa shirar degdeg ah ka yeelatay si ay u qiimeyso xaaladda una qorsheyso waxa xigi doona balse lama xaqiijin karo nooca ay noqon karto jawaabta Israa’iil.
Reer Galbeedka Iyo Beesha Caalamka
Dagaalkan ayaa si degdeg ah loo cambaareeyay, waxaana Israa’iil taageero buuxda u muujiyay xulafadeeda, gaar ahaan dawlada Maraykanka. Wasiirka Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu caawiyo Israa’iil marka la eego difaaca. Sidoo kale, laba kamida maraakiibta burburiyeyaasha badda ee ciidamada Maraykanka ayaa laga hawlgaliyay badda Mediterranean-ka si ay u taageeraan oo u difaacaan maamulka Israa’iil
Dalka Faransiiska iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka, iyaga oo ku baaqay in lagu xaliyo khilaafka hab diblumaasiyadeed, maadaama xaaladda gobolka ay noqon karto mid dagaal lagu sii fogaado. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isna kulan degdeg ah ka yeeshay arrintan, waxaana Israa’iil ay codsatey in caalamku cambaareeyo Iiraan oo loo aqoonsado inay kamid tahay kooxaa argagixisada ah gaar ahaan IRGC (Islamic Revolutionary Guard Corps.
Weerarka gantaalaha ee 1-da Oktoobar ayaa ahaa mid salka ku haya xiisadaha isasoo tarayay ee u dhaxeeya Iiraan iyo Israa’iil, gaar ahaan sanadkan lagu jiro ee 2024. Dhowr bilood ka hor, Israa’iil ayaa hawlgal ay ku bartilmaameedsaneyso saldhigyada Iiraan ka fulisay Suuriya, gaar ahaan magaalada Dimishiq, halkaas oo laba jeneraal oo Iiraani ah ay ku dishey.
Sidoo kale, xagaagan 2024, Israa’iil waxay dileen xubno muhiim ah oo ka tirsan ururada Xisbullah iyo Xamaas. Waxaa ka mid ahaa Fuad Shukr, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah oo lagu dilay Lubnaan, iyo Ismail Haniyeh, oo lagu dilay Tehran. Dilalkaasi ayaa loo arkayay inay yihiin kuwo dhiirrigelinaya in Iiraan ay jawaab milateri ka bixiso, waxaana weerarka 1-da Oktoobar Iiran ku sheegtey inuu jawaab u yahay dilalkaas.
Khasaaraha Ka Dhashay Weerarka
Inkastoo weerarku u muuqday mid loogu tala galey in lagu bur buriyo goobo gaar ah, haddana waxaa uu geystey khasaare kala duwan oo gaarey goobo ay degan yihiin dad rayid ah, iyo saldhigyo millatery, oo uu kamid yahay Natsim oo ah saldhiga ciidamada cirka Israa’iil, kaas la arkayey in gantaalo ku dhaceen, inkastoo aysan Israa’iil soo bandhigin khasaaraha sida looga bartey.
Intaa waxaa dheer, waxyar kahor inta uusan dhicin weerarka Iiraan waxaa dhacay toogasho ka horreysay weerarka, taas oo ka dhacday magaalada Tel Aviv, oo ah magaalada ugu wayn Israa’iil, halkaas oo 10 qof lagu diley dhowr kalena la dhaawacay, dhacdadana ayey Israa’iil ku sheegtey fal ay ka danbeysay argagixiso.
Saameynta Mustaqbalka
Xaaladda gobolka ayaa noqotay mid aan degganayn, iyadoo khubaro badan oo arrimaha milatariga ka faallooda ay ka digayaan in weerarrada noocan ahi ay horseedi karaan dagaal baahsan oo gobolka Bariga Dhexe ka qarxa. Halka Israa’iil ay xoojineyso nidaamyadeeda difaaca, sidoo kale waxaa jirta cabsi laga qabo in ururka Xisbullah ee ka hawlgala Lubnaan oo hada dagaal kula jira Israa’iil uu kor dhiyo weerarada uu ka geysanayo Israa’iil, maadaama isbaheysi qoto dheer uu u dhexeeyo Iiraan iyo Xisbullah.
Beesha caalamka, oo ay ugu horreeyaan Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa ku baaqay in labada dhinac ay muujiyaan degganaansho, halka Iiraan iyo Israa’iil labaduba ay sii wadaan hanjabaado culus oo ku saabsan weerarro kale. Haddii ay xaaladaani sii socoto, waxaa laga yaabaa in dalal kale oo gobolka ah ay ku lug yeeshaan colaadda, taasoo sababi karta xiisad siyaasadeed iyo mid milateri oo baahsan
Gunaanad
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Israa’iil habeenkii xalay, 1-da Oktoobar 2024, wuxuu muujinayaa khilaafka daba-dheeraaday ee u dhexeeya labada dal iyo saameynta uu ku leeyahay gobolka Bariga Dhexe oo dhan. Weerarkan, oo qeyb ka ah aargoosi isdaba joog ah oo labada dhinac isu geysanayaan, wuxuu sababay khasaare xooggan oo labada dhinacba gaarey