Ninkii Qur’aanka Gubi Jiray Salwan Momika oo Lagu Dilay Sweden
Wararka ka imanaya Sweden ayaa sheegaya in Salwan Momika, oo caan ku ahaa gubida kitaabka Qur’aanka, lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden, xilli uu si toos ah live ugaga jirey baraha bulshada gaar ahaan aalada Tiktok .
Warbaahinta Sweden, oo soo xiganaysa booliska, ayaa sheegtay in meydkiisa laga helay gurigiisa, isagoo qaba dhaawacyo rasaas ah. Ilaa hadda, booliska Sweden si rasmi ah uma xaqiijin cida ka danbeysay dilkiisa, balse hay’adaha sirdoonka dalkaas ayaa baaraya dhacdadan.
Momika ayaa la filayay inuu Khamiistii hortago maxkamadda Stockholm si loogu xukumo dacwad la xiriirta kicinta naceyb diimeed. Hase yeeshee, maxkamaddu waxay dib u dhigtay xukunkiisa, iyada oo sheegtay in “mid ka mid ah eedaysanayaasha ninkaan kala qeyb qaadan jirey kicinta naceybka iyo gubida Qur-aanka uu dhintay.”
Wargeyska GP ee Sweden ayaa sheegay in toogashadu dhacday xilli uu Momika si toos ah ugu baahinayay muuqaal barta TikTok. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in baahinta ay si lama filaan ah u istaagtay markii booliska guriga soo galay.
Salwan Momika waxa uu si weyn ugu caan baxay mudaharaadyadii uu Qur’aanka ku gubi jirey, isagoo ku andacoonayay inuu ka soo horjeedo diinta Islaamka. Xagaagii 2023, waxa uu meel fagaare ah ku gubey Qur’aanka Kariimka ah waliba bartamaha caasimada Stockholm, taasoo caro xooggan ka dhalisay waddamada Islaamka.
Waqtigii uu gubey Qur-aanka caradii ka dhalatey waxey sababtey in mudaharaadayaal ah ay weeraraan safaaradda Sweden ee Baghdad, halka magaalada Al-Kufa, oo ah halkii uu asal ahaan kasoo jeeday, lagaga dhawaaqey in abaal-marin lacageed oo gaareysa $2 milyan oo dollar taas oo la sheegay in lasiin doono qofkii soo dila Momika.
Yaa Ahaa Salwan Momika?
Salwan Momika wuxuu uu ku dhashey magaalada Al-Kufa, oo ku taalla dalka Ciraaq. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka tirsanaa kooxaha shiicada xagjirka ah, hase yeeshee markii dambe ayuu u soo qaxay Sweden, halkaas oo uu magangalyo ka helay.
Sanadihii la soo dhaafay, wuxuu si joogto ah u qaban jiray mudaharaadyo uu Qur’aanka ku gubayo, isaga oo ku andacoonayay inuu ka horjeedo Islaamka. Ficilladiisa ayaa caro ka abuurey, dalal badan oo Muslim ah.
Dilka Momika ayaa ah dhacdo la yaab leh, maadaama uu hore u sheegay inuu halis ugu jiro in ladilo, balse booliska dalka Sweden dheg jalaq uma siin sheegashadiisa. Si kastaba ha ahaatee Booliska Sweden iyo hay’adaha sirdoonka ayaa wada baaritaan ku saabsan dilka Momika, mana jirto cid loo qabtay illaa hadda.
Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco [Puntland Online].