Wasiir Dhucle: Puntland waxay u baahan tahay shir dib-u-yagleelid ah!

Share this Post

Wasiiru-dawlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawlada Fedraalka Soomaliya, Maxamed Cabdulkadir Dhucle, ayaa si rasmi ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, isagoo ku baaqay in la qabto shir dib-u-yagleelid ah oo ku saabsan mustaqbalka maamulka Puntland.

Wasiir Dhucle ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu xusay in Puntland markii la aasaasay sanadkii 1998 ay ka koobnayd shan gobol oo ay ku jirto Buuhoodle, hase yeeshee beelaha SSC-Khaatumo oo ka kooban Dhulbahante iyo Warsangeli ay hadda ka baxeen Puntland.

Wasiir Dhucle ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Puntland-tii la aas-aasay 1998 haddii SSC-Khaatumo (Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli) baxeen, beelaha Leelkase, Awrtable, Meheri iyo Madhibana tashadeen — maxaa haray oo laysku haystaa? Waa in shir dib-u-yagleelid ah la isugu yimaado, maaddaama meesha ay ka baxday intii laysku oran jiray Puntland (shantii gobol iyo Buuhoodle) ee 27 sano ka hor la aas-aasay.”

Sida ku cad qoraalka uu Wasiir Maxamed Cabdulkadir Dhucle, ku daabacay bartiisa Facebook, beelaha Leelkase, Awrtable, Meheri iyo Madhiban ayaa bilaabey wadatashi ku saabsan mustaqbalkooda siyaasadeed ee maamulka Puntland. Wasiir Dhucle wuxuu si toos ah su’aal u geliyay jiritaanka Puntland ee hadda, isagoo is weydiiyay waxa dhabta ah ee ka harsan Puntland, marka la eego aasaaskii 1998 iyo shantii gobol ee xilligaas saldhigga u ahaa dhismaha maamulka.

Si kastaba ha, ahaatee, hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli Puntland ay wajahayso xaalad siyaasadeed oo cakiran, gaar ahaan gobolka Sanaag, halkaas oo ay isa soo tarayaan dareennada shacabka ee ku aaddan ka fiirsashada, doorka ay ku leeyihiin maamulka Puntland.


Share this Post