Indhaha Caalamka Oo Dhan Waxey ku jeedaan Somaliland: Dawlad Yar oo Afrikaan ah oo Muhiim u ah Dagaalka Israel ee ka dhanka ah Xuutiyiinta
Waa qormo lagu daabacay mareegta HAAREZT oo laga leeyahay Israel. Qoraalkan waxa la qoray Novembar 27, 2024, Qoraalka oo Afsoomali loo tarjumay hoos ka akhriso
Tel Aviv – Habeenkii 19-ka Luulyo, daroon laga soo ganay masaafo dhan 2,000 kiiloomitir, oo ka timid Yemen, ayaa dul heehaabtey xeebaha Tel Aviv, iyadoo dishey Evgeny Freder oo hurday meel u dhow safaaradda Mareykanka. Weerarkan lama filaanka ah, oo sidoo kale dhaawacay 10 qof, ayaa muujiyey daciifnimo aan laga filayn nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah ee Israel.
Daroontaan, oo si fudud uga dhuumatey difaacyadii Israel, ayaa sababtey argagax iyo daciifnimo cusub oo dhinaca difaaca ah. Xuutiyiinta Yemen, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa muujiyey awoodooda inay fulin karaan weerarro noocaan ah, taasoo Israel ku khasabtay inay qaado tallaabooyin cusub oo lagu wajahayo khatarta ka imaanaysa Yemen.
Weerarka ayaa Israel ku baraarujiyey inay u baahan tahay xalal ka waxtar badan in diyaaradaha dagaalka ee qaaliga ah loo diro Yemen, mar kasta oo daroonis lagusoo weeraro gudaha Israel. Gaar ahaan, iyadoo la rumeysan yahay in Xuutiyiinta Yemen ay haystaan mid ka mid ah kaydka ugu weyn ee daroonnada adduunka.
Somaliland iyo Ka Qaybgalka Istiraatiijiyadaha Difaaca
Mid ka mid ah xalalka Israel ayaa noqday in loo jeesto Somaliland – dhul aan caalamka ka haysan aqoonsi rasmi ah, balse muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka. Somaliland, oo ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, ayaa tan iyo markaas isku dayaysay inay hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo wajahaysa culeysyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Inkastoo Somaliland loo aqoonsan yahay inay tahay ismaamul ka tirsan Soomaaliya, ma jiro waddan aqoonsaday madax-bannaanideeda, marka laga reebo Taiwan oo iyaduna aan caalamka ka haysan aqoonsi buuxa. Tani waxay Somaliland ku qasabtay inay ku tiirsanaato nidaam dhaqaale iskii isu taagaya (autarkic), maadaama aysan heli karin caawimaad caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa leh muhiimad istiraatiijiyadeed. Goobteeda juquraafi iyo awooddeeda inay la macaamisho dalalka gobolka ayaa Israel ka dhigtay mid xiiso u qabta Somaliland. Tani waxay sare u qaaday doorka daneynta Soomaliland ee istiraatiijiyadda gobolka, gaar ahaan marka loo eego iskaashiga suurtagalka ah ee ka dhanka ah khataraha gobolka sida Xuutiyiinta Yemen iyo xulafadooda Iran.
Taariikhda Somaliland iyo Dedaalladeeda Madaxbannaanida
Somaliland, oo hoos tageysay gumeystihii Ingiriiska intii lagu jiray xilligii gumeysiga, ayaa ku biirtay Soomaaliya sanadkii 1960, si loo dhiso jamhuuriyad mid ah. Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 iyo dagaalladii sokeeye ayaa horseeday in Somaliland ku dhawaaqdo madaxbannaani.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa wajahaysa caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed oo ka dhashay aqoonsi la’aanta caalamka. Sababo la xiriira xayiraadaha ganacsiga caalamiga ah, burcad-badeednimada oo noqotay il dhaqaale oo xoog leh oo ay ku tiirsan yihiin bulshada Somaliland.
Kadib,weerarkii daroonta ee Tel Aviv iyo xaaladda Somaliland waxay tusaale u yihiin sida ay isu beddelayaan istiraatiijiyadaha gobolka iyo saameynta ay yeelanayaan awoodaha ka jira geeska Afrika. Israel waxay hadda raadineysaa inay iskaashi la sameyso Somaliland, iyadoo la eegayo muhiimadda ay leedahay goobteeda iyo dadaallada ay ku raadinayso madaxbannaanida
Si ka duwan Soomaaliya, oo tobannaankii sano ee la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo sokeeye oo dhiig badani ku daatey, isla markaana qeyb ka mid ah muddadaan ay xukumayaan maleeshiyaad Islaami ah, gaar ahaan Al-Shabaab, Somaliland, oo ay ku noolyihiin 5.2 milyan qof, waxay ku guuleysatay inay dhisato nidaam dimuqraadi ah oo shaqeynaya, oo ay ka mid yihiin doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo hay’ado dimuqraadi ah oo deggan, iyadoo aan dhiig ku daadan. Amni xumada,fowadada iyo dhibaatoyinka kale ee kajira Muqdisho, oo ah caasimadda Soomaaliya, Ayaa ka dhigtey Hargeysa mid ka duwan Muqdisho marka laga hadlayo dhinaca nabadda Hargeysa,
Waxaa la oran karaa Israel iyo Somaliland waxey wadaagaan laba arrin oo isku mid ah: Labaduba waa dowlado yaryar oo dimuqraadi ah, kuwaas oo ku yaalla gobollo ay ka jiraan dowlado kali talis ah oo ay sidoo kale kasocdaan dagaalo dhiig badan ku daadanayo. Sidoo kale, labaduba waxay la dhibaatoonayaan arrimo madaxbanaanida ah marka loo eego caalamka, iyagoo leh cadawyo doonaya inay burburiyaan.
Doorka Imaaraatka Carabta
Oktoobar 17, shabakadda wararka ee taageerada ka hesha dalka Qatar, Middle East Monitor, waxay werisay in Israel si qarsoodi ah ula xiriirtay Somaliland, oo ku taalla badhtamaha Gacanka Cadan, si ay ugu soo bandhigto hindise labada dhinac u daneynaya: Israel waxay Somaliland ka dhisi doontaa saldhig ciidan oo u oggolaan doona inay ka bartilmaameedsato bartilmaameedyada Xuutiyiinta, taasoo beddelkeeda Somaliland aqoonsi heli doonto iyo maalgelin dhaqaale.
Warbixinta oo xiganeysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaysa in Isutagga Imaaraadka Carabta uu dhex dhexaadinayo labada dhinac, isagoo ku guuleystay in Somaliland ogolaato dhismaha saldhigga milateri, sidoo kalena uu maalgelin doono. Imaaraadka, oo qeyb ka ah Heshiiskii Abraham ee 2020 ee Israel wadamada carabtu la galeen, Israel ayaa aad u daneyneysa iney saldhigaas hesho madaama Xuutiyiintu ay halis amni ku noqdeen, ciidammada milateriga ee Israel ee Somaliland la geyn doonana ay fursad u heli doonaan la dagaalanka Xuutiyiinta.
Sanadihii la soo dhaafay, Somaliland waxay u oggolaatay Imaaraadka inuu dekedda Berbera iyo garoonkeeda diyaaradaha u adeegsado saldhiggiisa milateri ee uu kula dagaalameyey kooxda Xuutiyiinta Yemen, Iyadoo Somaliland ay Imaarate ka heshay $440 milyan oo uu Imaaraadku ku maalgeliyay dekedda Berbera, sida laga soo xigtay warbaahinta caalamiga ah. Dhex-dhexaadinta Imaaraadka waxay ku timid iskaashi militari oo uu la leeyahay Israel, iyadoo la sheegay inay ka sameysteen saldhig ciidan iyo mid sirdoon oo wadajir ah jasiiradda Socotra, oo ah mid ka mid ah jasiiradaha ugu fog ee dunida, kuna taal Gacanka Cadan ee u dhow Somalia iyo Yemen.
Faa’iidooyinka Israel ka heleyso aqoonsiga Somaliland
“Waxaa jira faa’iidooyin fara badan oo ay Israel ku heli karto aqoonsiga Somaliland inay tahay dal madax bannaan,” ayuu tilmaamay Ahmet Vefa Rende, oo ah cilmi baare ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ee Jaamacadda Sakarya ee Turkiga, oo markii ugu horreysay ka warramay xiriirada Israel iyo Somaliland.
“Faa’iidooyinka waxaa ka mid ah xoojinta amnigeeda qaranka, ka hortagga khataraha gobolka, abuurista fursado dhaqaale oo cusub, hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo taageeridda nidaamka dimuqraadiga ah ee gobolka. Ayuu yiri Ahmed Yefa
Goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ee Geeska Afrika waxay siinaysaa muhiimad istiraatiiji ah iyo soo jiidasho dhaqaale. Waxay ku taallaa albaabka marin biyoodka Bab al-Mandeb, oo saddex meelood meel maraakiibta caalamka marayaan, iyadoo xeebteeda dheer ay u fududeyneyso marin biyoodyo kala duwan – Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Badda Carabta, iyo badweynta Hindiya.
Waxaa ugu muhiimsan marin biyoodkan waa aagga Badda Cas, oo sannadkii la soo dhaafay noqday xarun khilaaf caalami ah oo sabab u ah weerarada Xuutiyiinta ee waddooyinka maraakiibta ee Badda Cas, kuwaas oo saameeyey ganacsiga caalamka. Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, dhowr shirkadood ayaa joojiyay maraakiibtooda iney maraan Badda Cas. Shirkadda Maersk ayaa ahayd tii ugu horreysay ee joojisa isticmaalka badda cas ka dib markii Xuutiyiintu weerareen laba ka mid ah maraakiibteeda.
Loolanka Awoodaha Waa Weyn ee Gobolka
Si kastaba ha ahaatee, Israel waa ciyaaryahan labaad marka loo eego awoodaha waaweyn ee daneynaya Somaliland. Saddexda awoodood ee ugu waaweyn ee ku loollamaya Somaliland waa Soomaaliya, Itoobiya, iyo Turkiga, halka dalalka kale sida Masar, Imaaraadka, Sacuudiga, Suudaan, iyo Jabuuti ay sidoo kale si wayn indhaha ugu hayaan.
Xiisadda ugu weyn ayaa ah in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan Somaliland uu isu beddeli karo dagaal dhiig badan ku daato. Taasi waxay u badan tahay inay ku lug yeelanayaan oo ka qeyb qaadan donaan dalal kale, maadaama dagaalka Israel iyo Iran ee dhanka Xuutiyiinta Yemen uu sii hurayo, sidoo kalena ay ka jiraan milishiyaaad Islaami halis ah Geeska Afrika.
Xaaladda Itoobiya iyo Heshiiskii MOUGA
Bilowga sannadka 2024, Itoobiya waxay saxiixday heshiis taariikhi ah oo ay la gashay Somaliland, kaas oo u oggolaanaya inay marin badeed ka hesho Gacanka Cadmeed gaar ahaam Saylac coo ah magaalo ku taalla albaabka Babul al mandab , taas beddelkeedana Itoobiya u aqoonsan doonto Somaliland dal madax-bannaan. Itoobiya oo leh dad gaaraya 130 milyan laakiin aan lahayn bad, ayaa dareentey inay muhiim u yahay marin biyoodkaasi sababo la xiriira inuu u furi doono albaab dhaqaale iyo awood siyaasadeed oo dheeraad ah.
Heshiiskan ayaa kiciyey caro xooggan oo ka timid Soomaaliya oo ku tilmaantay heshiiska mid sharci-darro ah oo khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Saamaynta Turkiga iyo Xulafada Gobolka
Dhanka kale, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda ay la leedahay Turkiga, kaas oo noqday xulafo muhiim ah tan iyo booqashadii Erdogan ee Muqdisho sanadkii 2011. Turkiga ayaa sidoo kale ka sameystey saldhiggiisa ugu weyn ee ku yaal meel kabaxsan gudaha Turkiga Magalada Muqdisho sanadkii 2017, halkaas oo uu ku tababaro ciidanka Soomaaliya.
Turkiga, oo raad weyn ku yeeshay Bariga Afrika, wuxuu hadda qorsheynayaa inuu Somalia ka sameysto xarun lagu sameeyo gantaalada laguna tijaabiyo. Erdogan wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in gantaallada Turkiga ay gaari doonaan masaafo dhan 1,000km, taas oo Israel amnigeeda khatar ku ah.