Madaxwayne Deni oo Magac Cusub Bixiyay Garoonka Kubadda Cagta Bosaso
Boosaaso, 13 Maarso 2025 –Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Bosaaso kulan muhiim ah kula qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, kuwaas oo taageero buuxda u muujiyey hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee (Hillaac).
Madaxweyne Deni ayaa kulanka ka sheegay in garoonka kubadda cagta ee Boosaaso, oo dhismihiisu gabo-gabo marayo, loogu magac dari doono “Garoonka Shuhaadada.” Magac-beddelkan ayaa lagu maamuusay ciidankii ku shahiiday hawlgalkii Ciribtirka Argagixisada Daacish ee Hillaac.
Madaxweynaha oo hadal dheer ka jeediyay kulanka ayaa carrabka ku adkeeyay doorka dhallinyaradu ku leeyihiin xasilloonida Puntland. Wuxuu ugu baaqay dhalinyarada inay garab istaagaan laamaha amniga si looga hortago khataraha argagixisada.
“Nin walba nin xun buu yaqaan, waa in sida hadda dhacday cid kasta waxay ogtahay soo sheegtaa,” ayuu yiri Deni, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay u taagnaadaan difaaca nabadda iyo xasilloonida deegaannadooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dagaallada ka socda gobollada Sool iyo Sanaag, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka.
“Dirirta jiidda hore ee gobolka Sool waan ka xumahay runtii in ay dhacdo, waxaan rajaynayay in dagaalladu intaas ku ekaanayaan. Haddii dadka degaanku ujeedadoodu tahay in ay degaannadooda kala joogaan, wixii kale oo dagaal la huriyo waa mid aan garawshiyo lahayn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale qirey in kooxda daacish ay ka dhalatay dayac iyo duruufo siyaasadeed oo adag.
“Kooxda IS waxa keenay dayac, ciddii wax ka raadisana waxba kuma dhex jiraan.” Ayuu yiri madaxwaynuhu
Dhinaca kale madaxwaynaha ayaa sheegay in ninkii meel xun taagan uu ka tirsan yahay Daacish, isagoo carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo xiriir la yeelata kooxdan ay halis ugu jirto inay ka mid noqoto xasaradaha ay wadaan.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka socday goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari iyo dhallinyarada Boosaaso, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageeradooda dadaallada nabadgelyada iyo horumarka Puntland